Wasaaradda Haweenka Puntland oo baaraysa buug qaab qarsoodi ah loo faafiyay [Dhagayso]
GAROWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Arrimaha Qoyska Puntland oo kaashanaysan Xafiiska u doodaha xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegtay inay baarayaan buug dhawaan la faafiyay oo lagu daabacay arrimo liddi ku ah Caqiidada umadda Islaamka ah iyo dhaqankeenna suuban ee bulshada Somaliyeed.
Buuggan oo ay baahisay hay'ad ajnabi ah oo aan magaceeda la xusin xilli lasoo xirayay ololaha ka hortagga taciyadda ka dhanka ah Jinsiga ee 16 maalmood, ayaa maanta lagusoo bandhigay shir ay si wadajir ah u qabteen wasiirka wasaaradda haweenka iyo guddoomiyaha xafiiska u doodaha xuquuqul insaanka Puntland.
Wasiirka haweenka Puntland, Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, ayaa sheegay inay heleen buug loogu magac daray "Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha", kaasoo kamid ah Dukumintiyo la qaybiyay waqti xafladdaasi socotay, taasoo la sheegay in qodobadiisa 16 iyo 18-aad ku qoranyihiin arrimo kasoo horjeeda diinteena suuban iyo Dastuurka Puntland.
Anisa, ayaa xustay in wasaaraddeedu wax lug ah ku lahayn buuggan baahintiisa islamarkaana aysan ka warqabin iyadoo cid kasta oo fududayntiisa ka qayb qaadatay ku macnaysay kuwo dambi qaran ka galay dalka, wasaaradda iyo bah-wadaagtooda shaqo.
Wasiirka, ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Puntland oo ay ugu baaqday inay meel ugasoo wada hor jeestaan ilaalinta diintooda iyo dhaqankooda suubban.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha u doodaha Xuquuqul insaanka Puntland, Maxamed Yuusfu Cali, ayaa sheegay inaysan iyaguna ka warqabin, wuxuuna xusay inay wadaan baaris ku aadan sidii buuggan dalka lagusoo galiyay, ujeedkii laga lahaa iyo waxa laga yeelayo.
Maxamed, ayaa xusay in hay'adda baahisay dalka ku joogin sifo sharciga waafaqsan, isagoo xusay in qodobada lagu qoray ay ka hor imaanayaan diinta iyo dhaqankooda, wuxuuna sheegay inay tahay arrin aan la aqbali karin.
Inta badan xusaska ku aadan maalmaha 16 ah ee loogu ololeeyo ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga oo la qabto 10 December, sannad walba, ayaa waxaa la sameeyaa fariimo ku aadan sidii bulshada loogu baraarujin lahaa inay arrintaasi, waxaana buuggan baahintiisa looga faa'iidaystay xuskan sida ay sheegtay wasiirka haweenka iyadoo la qaybiyay xilli ay socotay xaflad lagusoo xirayay dabaal dagga maalinta xuquuqul insaanka iyo 16 maalmood ee looga hortagayo tacaddiyada Jinsiga.
GAROWEONLINE