Wasiir Cuuke oo Xarumo Cusub furay, Lacag loogu deeqay MCH-ka Yoombays
GAROWE, Puntland- Sii hayaha xilka wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cimaan Cuuke, ayaa mar kale xariga ka jaray xarumo caafimaad oo hor leh kuwaasoo laga hirgaliyay degmooyin iyo tuulooyin katirsan gobolka Nugal.
Socdaal Labo Cisho qaatay oo mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo sarakiil kasocday hay’adda World Vision ku mareen degmada Eyl, Diillin-Maaxato, Suubaan iyo Yoombays, waxay xariga uga jareen xarumo caafimaad oo halkaas laga dhisay kuwaasoo si fiican loo qalabeeyay.
Dhammaan degaannada Wasiirku marayey ayaa waxaa soo dhoweyn ballaaran u samaynayey maamulka, waxgaradka, odoyaasha, Culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goobahaas, kuwasoo muujinayay sida ay ula dhacsanyihiin waxyaabaha wasaaraddu ka qabatay deegaanadooda.
Wafdigan oo ku hormaray degmada Eyl islamarkaana kulan la qaatay maamulka ayaa xariga ka jaray xarun loogu talo galay in lagu xannaaneeyo hooyada iyo dhallaanka islamarkaana lagula socdo caafimaadkooda, iyagoo kormeer ku sameeyay qaybaha ay ka koobantahay xaruntaas warbixino kala duwana ka dhagaystay dadka deegaanka.
Sidoo kale Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo ay wehelinayaan saraakiil katirsan hay'adda World Vision ayaa xariga ka jaray xarumo caafimaad oo laga hirgaliyay Tuulooyinka Suubaan iyo Diillin Maaxato oo katirsan gobolka Nugal.
"Xilliyadii hore waxaan caafimaad u raadsanjirnay degaannada laamiga ah,iyadoo sidaad ogtihiin laamigu noo jiro 300km. Waxaa dhici jirtay in qof irbad keliyah u baahan uu naf baxo,waxaasina waa iyadoo ay tuuladu xarumo caafimaad la'aan ahayd," Sidaasi waxaa yiri oday kamid ah waxgaradka tuulada Diillin-Maaxato.
Wasiirka ayaa socdaalkiisa kusoo afmeeray tuulada Yoombays, halkaas oo xariga kajaray xarun caafimaad, waxaana sidoo kale Qaaraan iska aruuriyay dadka deegaanka oo ugu talo galay in lagu siyaadiyo Qolalka MCH-ka.
Wasiirka Cuuke ayaa bixiyay $1000 ugu horeeyay lacag gaaraysa $5100 (Shan kun iyo boqol Dollar) oo loogu tala galay MCH-ka Yoombays.
"Waxaa la rabaa in meesha shaqada intaa le'eg la geliyey aan ka helno report joogta ah.bilkasta dib u eegid ayaan ku samanaynaa xarumihii jiray iyo kuwa hirgelay," Ayuu yiri Cuuke.
Dadka reer Yoombays ayaa sii haya Xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cuuke iyo Cabdirasaaq Abshir Xirsi oo wasaaradda katirsan Guddoonsiiyay Shahaado Sharaf, taasoo ay sheegeen inay ku Mutaysteen shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay gobolka iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Wasiirka ayaa sidoo kale shahaado siiyay Gabar cafimaadka deegaankaas ka shaqaysa iyo Macallin Daahir kamid ah Barayaasha magaalada.
Dhinaca kale wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa goobaha ay soo martay ka samaysay wacyigalin la xariirta ilaalinta Caafimaadka iyo bad-qabka bulshada iyadoo adeegsanaysa Idaacadda guur-guurta ee Radio Dalmar.
Socdaalkan oo lagu jaray masaafo kabadan 700KM, ayaa timid xilli dhawaan Wasiirka sii haya shaqada Wasaaradda uu xariga kasoo jaray xarumo caafimaad oo laga hirgaliyay Tuulooyinka Budun-Buto iyo Baq-baq.
Dadka deegaanada xarumaas loo dhisay ayaa horay ula kulmi jiray dhibaato ka dhalatay la'aanta xarumo caafimaad iyagoo cidii xanuunsata iyo hooyooyinka Foosha ah usoo qaadi jiray magaalooyinka waaweyn halkaasoo qaybtood jidka ku Umul Raaci jireen.
Cuuke ayaa markii uu Xafiiska yimid Ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii loo hormarin caafimaadka goobaha laamiga ka baxsan, waxaana shaqadan la qabtay wasaaradda ka taageertay hay'adda World Vision.
GAROWEONLINE