Wasiir Dowlaha Caafimaadka Puntland oo geeriyooday

Image

03 January, 2015(GO)-Allaha u naxariistee waxaa magalada Galkacyo saaka ku geeriyooday wasiir Dowlihii wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdullaahi Jamac Cali kaaso maalmahan ku xanuunsanaa xarunta gobolka Mudug.

Geeridda wasiirka ayaa laga shaaciyay shirka isla xisaabtan ee kasocda magalada Garowe, waxaana Madaxweynaha Puntland sheegay inuu geeriyooday Cabdullaahi Jamac isagoo tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo shacabka Puntland ee uu ka baxay, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi shaqo wanaagsan hayay islamarkaana aan ku koobnayn xilkiisa qura ee gacan ku lahaa amniga.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuke iyo xubnaha golaha wasiirrada ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii uu katagay.

Wasiirka geeriyooday ayaa sidoo kale xilligii dowladdii Madaxweyne Farole soo noqday wasiir Dowlaha amniga Puntland, waxaana dhawaan Garowe ku geeriyooday ooridiisii.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM