​Wasiir Juxa oo la kulmay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Mudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Wasiirka Arimaha Gudha,Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Abdi Faarax Siciid Juxa ayaa xaley kulamo gaar-gaar ah la yeeshey Odoyaasha dhaqanka ee magaalada Galkacyo kuwaasoo  ka kala socday labada maamul ee xarunta gobolka Mudug ka taliya.

Shirkan ayaa looga hadlayay nabadaynta gobolka Mudug iyo sidii shacabku xasilooni uga wada noolaan lahaayeen.

Wasiir Juxa oo shalay soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa dhinacyada uu la kulmay ku booriyay inay u istaagaan sidii gobolka looga dhigi lahaa mid nabdoon oo la jaanqaada goboolada kale dalka ee xasiloonidu ka jirto.

Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa sidoo kale maanta kulan wadajir ah la qaatay mas’uuliyiinta gobolka iyo Odoyaasha dhaqanka isagoo ka dhagaystay guulaha la gaaray iyo sidii looga shaqayn joogtaynta amniga.

Dhica kale wasiiir Juxa waxuu manta goob joog ka ahaa madasha lagu saxiixaayay heshiiska ay gaadheen gudiyada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo looga hadlay xaaladda Mudug.

Wasiir Juxa ayaa ugu dambayn booqasho sharafeed ugu tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle hoygiisa uu leeyahay magaalada Galkacyo, isagoo qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu soo dhigay ku sheegay inuu ku faraxsanyaahy siyaarada uu uga tagay Islaan Bashiir.

Wafdiga Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu usoo amba baxo dhinaca magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM