​Wasiir Juxa oo la kulmay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Mudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Wasiirka Arimaha Gudha,Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Abdi Faarax Siciid Juxa ayaa xaley kulamo gaar-gaar ah la yeeshey Odoyaasha dhaqanka ee magaalada Galkacyo kuwaasoo  ka kala socday labada maamul ee xarunta gobolka Mudug ka taliya.

Shirkan ayaa looga hadlayay nabadaynta gobolka Mudug iyo sidii shacabku xasilooni uga wada noolaan lahaayeen.

Wasiir Juxa oo shalay soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa dhinacyada uu la kulmay ku booriyay inay u istaagaan sidii gobolka looga dhigi lahaa mid nabdoon oo la jaanqaada goboolada kale dalka ee xasiloonidu ka jirto.

Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa sidoo kale maanta kulan wadajir ah la qaatay mas’uuliyiinta gobolka iyo Odoyaasha dhaqanka isagoo ka dhagaystay guulaha la gaaray iyo sidii looga shaqayn joogtaynta amniga.

Dhica kale wasiiir Juxa waxuu manta goob joog ka ahaa madasha lagu saxiixaayay heshiiska ay gaadheen gudiyada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug oo looga hadlay xaaladda Mudug.

Wasiir Juxa ayaa ugu dambayn booqasho sharafeed ugu tagay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle hoygiisa uu leeyahay magaalada Galkacyo, isagoo qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu soo dhigay ku sheegay inuu ku faraxsanyaahy siyaarada uu uga tagay Islaan Bashiir.

Wafdiga Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu usoo amba baxo dhinaca magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM