Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo hortegay baarlamaanka

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda dowladda Puntland, Maxamed Cabdi Cismaan [Majiino], ayaa Arbacada maanta ah wuxuu hortegay mudaneyaasha baarlamaanka.

Fadhigaan ay soo xaadireen 44 xubnood ayaa waxaa u dhamaa shir-gudoonka – Afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen – Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajendaha kulankaan ka qabsoomay xarunta golaha ee Garowe wuxuu ahaa; dib-u eegista heshiiska shirkada DP World ee Dekadda Boosaaso.

Xildhibaanadda ayaa fursad u helay in ay su'aallaan wasiirka, kaasoo ka jawaabay waydiimaha kaga yimid mudaneyaasha fursada helay.

Bishii June ee sanadkii hore 2019-kii ayay ahayd markii baarlamaanka Puntland ansixiyey dib u eegista heshiiskan uu April, 2017-kii saxiixay madaxweynihii hore ee Puntland, Dr Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas].

Dhanka shirkaddan laga leeyahay Imaaraadka Carabta waxaa heshiiska qalinka ugu duugay maamule Suldaan Axmed Bin Suleyman.

Iyaddoo mashruuca loo qoondeeyay 336 milyan oo Doolar, nuxurka heshiiskaas ayaa wuxuu ahaa balaarinta iyo casriyeynta marsadda.

Bishii July ee 2017-kii ayuu meelmariyey baarlamaankii ka horeeyay kan waqti xaadirkan shaqeynaya, balse tirro mudaneyaal ah waxay soo jeediyeen in dib loogu noqdo maadaama uusan wali fulin heshiiskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM