​Wasiir Qarjab oo arrimo badan ka hadlay [Dhagayso]

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab" oo warbaahinta kula hadlay magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay arrimo kala duwan oo dhammaantood la xiriira amniga gaar ahaan howlgalka ka dhanka ah Shabaab, qaabka loo adkayn karo amniga iyo qorshayaal oo cusub oo dowladdu soo kordhisay.

Cabdi Xirsi ayaa sheegay in amniga Puntland yahay mid wanaagsan islamarkaana kor loo qaaday howlgalka lagu xaqiijinayo nabad galyada loogana hortagayo falalka kooxaha nabad diidka ah.

Qarjab ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab kuwaasoo cadad ahaan gaaraya 55 ruux oo uu tilmaamay inay kamidyihiin mallayshiyaad tiro ahaan lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 93 ilaa 105 Shabaab shacab ahaan usoo galiyeen deegaanada Puntland.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaallamayashii dhawaan lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug isagoo xusay inay sida ugu dhaqsahah badan u keeni doonaan cadaaladda, isagoo dhinaca carrabka ku dhuftay inay wadaan kala saarista maxaabiis badan oo ciidamadu soo qabteen.

Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qaabka lagu sugi karo nabad galyada Puntland islamarkaana looga fogaan karo tacadiyo loo gaysto dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay inaysan Puntland kala saarayn bulshada Somaliyeed oo aysan u kala qaadayn dad u dhashay iyo kuwo usoo barakacay, balse uu farayo shacabka inay umadda soo dhaweeyaan feejignaanna kamuujiyaan.

Wuxuu sheegay inay la xiri doono cid kasta oo aan haysan cadaymo la xiriira shakhsiyadiisa, isagoo tilmaamay in dowladdu bilaabi doonto qorshe qof kasta ku qaadanayo dukomenti heerar kala duwan iyo laamo kala duwan soo maray kaasoo looga golleeyay qaabkii loo xaqiijin lahaa shakhsiyadda qofka ku noolaanaya deegaanada Puntland.

Wasiir Qarjba ayaa ka digay dadka kiraysana hotellada iyo guryahay, isagoo mulkiilayaasha hantidaasi leh ugu baaqay inay damaanad u sameeyaan ruuxa doonaya inuu soo dago guryahooda, wuxuuna xusay qofkii lagu helo isagoo gacan iyo soo dhaaweyn u samaynaya ruux katirsan Shabaab in sharciga la gayndoono islamarkaana la marsiin doono tallaabada ku haboon.

Qorshe kale ayuu ka hadlay kaasoo siyaabo kala duwan loo arkay, wuxuuna ku saabsanyahay in baabuurta lagu xiro aalad sheegay halka uu ku suganyahay gaarigaasi, isagoo meesha kasaaray inuu joojiyay hindisahaasi Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, isagoo hakintaasi ku sifeeyay gurmadka loogu jiro samata-bixinta dadka abaartu saamaysay.

Balse, wararka uu helay Warsidaha GO, ayaa sheegaya in damacaasi kasoo horjeesteen hay'adaha ka howlgala Puntland kuwaasi oo cabsi kamuujiyay alaaddan gudbinaysa xogta goobta uu ku suganyahay gaariga lagu xiro, waxayna tilmaameen inay saamaynayso amnigooda islamarkaana adeegsankaraan kooxaha wada falalka amni darro.

Arrin kaloo xasaasi ah ayuu ka hadlay wasiirka amniga Puntland taasoo ah dadka wareejiya agabka gaar ahaan kuwa ka yimi dalka Ethiopia ee shacabka badeecada ay wataan kaga badasha dharka loona yaqaano  [Badal-badal], wuxuuna sheegay inay shuruux kasoo saari doonaan islamarkaana dadkaasi xaaladooda lala socdo, isagoo xusay in tallaabada ay wadaan fududayn karto arrimo badan oo amniga wax u dhimi kara.

Hadalka wasiirka amniga Puntland, ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan howlgal xooggan oo lagu xaqiijinayo nabadgalyada Puntland tan iyo wixii ka dambeeyay dagalkii lala galay Shabaab, waxaana xabsida Puntland buux dhaafiyay maxaabiis kala duwan oo hadda loo magacaabay guddi kala saaray kuwaasi oo shalay 12 April, 2016 lagu iclaamiyay shirka saraakiisha Boliisku isugu yimaadeen magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM