Wasiir Qarjab yuu ku dhaliilay amarradiisa aan fulin?
GAROWE- Wasiirka wasaaradda amniga Puntland oo maanta shir jara'id ku qabtay xafiiskii Garowe, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan gaar ahaan amniga, eed uu sheegay inay ka timi maamulka Galmudug iyo amiiro ay soo saaren oo aan weli dhaqan galin.
Cabdir Xirsi Cali Qarjab, ayaa ugu horayn xusay in amniga Puntlan yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana wuuxuu mahad u soo jeediyay shacabka oo ku ammaanay qaabka ula shaqeeyaan hay'adda ammaanka.
"Waxaan shacabka Puntland ku ammaanayaa doorkooda saliimka ah ee ay ka qaataan nabad galayada iyo xasiloonida Puntland, waxaana ugu baaqayaa inay sii wadaan oo la shaqeeyaan laamaha nabadgalayada," Ayuu yiri wasiirku.
Amar uu dhawaan dul dhigay ragga alaabta wareejiya ee loo yaqaano "Badal badal" oo aan weli dhaqan galin ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in arrintaasi ku eedaysanyihiin laamaha ku shaqada leh, wuxuuna tilmaamay ciddi aan fulin karin shariciyada lasoo saaro inay baneeyaan kursiga si loo keeno dad shaqadaasi kasoo bixi kara.
"Waxaan dhawaan soo saarnay amar joojinaya badal badal, hadana waxaan arkay oo saaka markii aan guriga kasoo baxay iga horyimi dad alaabtii warejinaya oo ku haya Badal Badal, waxaana ka arkay Joornaalka oo lagu soo qoray. Arrintaasi waxaa iska leh mas'uuliyadeeda laamaha ay khuseeyaa, waxaana u soo jeedinayaa inay fuliyaan digreetooyinka soo baxay, hadii kale meesha baneeyaan, qofku kursigiina waa rabaa inuu shaqo qabtana ma rabo, waxaas adeer ma soconayso," Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
Cabdi Xirsi, ayaa dhinaca kale ka hadlay eed uu sheegay inay uga timi maamulka Galmudug kuwaasi oo Puntland ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaalkii ka dhacay Daac-dheer, wuxuuna sheegay inaysan dadka Somaliyeed isku dirin kuna lug lahayn arrintaasi, isagoo xusay in Puntland ka shaqeyso danaha iyo nabad galayada ummadda.
"Puntland, waligeed dhibaato iyo dad isku diristee kama shaqayn ee waxay ka shaqeysaa hormarka iyo nabad galayada umadda.... Hashu geela iyadaa cunta iyadaana cabaadaysa, yaa xuduudaha iyo deegaamada dhibka ka wada?, waa la ogyahay cidda ka wadda, laakiin waxaa mas'uuliyad naga saarantahay inaan waddankeena difaacano," Sidaasi waxaa yiri Qarjab.
Wasiirka ayaa sidoo kale shirkiisa jara'id kaga hadlay safarro uu sheegay inay u baxaan xubno katirsan laamaha hoos yimaada wasaaraddaas, wuxuuna sheegay in hadda kadib aysan dhici doonin in safaro ama shaqo loo baxo iyadoon la wargalin wasaaradda, wuxuna sheegay inaysan hadda kadib dhici doonin.
Arrin dhibaato ku haysa ayuu soo hadal qaaday gaar ahaan baraha bulshada "Facebook", wuxuuna sheegay in shakhsiyaad magaciisa u isticmaalaan si khalad, isagoo xusay inuu baari doono sharcigana la tiigsan doono.
"Waa baarayaa qofkaasi, waana la helayaa Somali waxba kuma qarsoomaan, waxaana la tiigsanayaa sharciga ogowna cafin may,"Ayuu hadlkiisa ku daray Cabdir Xirsi Cali Qarjab.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawr jeer oo hore amarro uu soo saaray wasiirka amniga Puntland aysan dhaqan galin, waxaana ugu dambeeyay go'aan uu ku joojiyay hab ganacsiga Badal badal-ka ee ay isticmaalaan dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia.
GAROWEONLINE