Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia oo booqday Garoonka diyaaradaha Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo din u hishiisiinta dowladda Federaalka Somalia, oo maanta kasoo laabtay socdaal hal maalin qaatay oo uu ku tagay degmada Tariikhiga ah ee Eyl oo katirsan gobolka Nugal, ayaa booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha Caasumadda Puntland oo dhismihiisu muddo hakad ku jiray.

Socdaalkan oo la xariiray indho indhayn ayaa Wasiirku ku maray Wadada Diyaaraduhu ku ordaan oo hadda maraysa meel gabo-gabo ah.

Booqashadan waxaan ku wehelinayay xubno wasiir Juxa u raacay degmada Eyl oo ku jiraan, Abwaano, Siyaasiyiinta, Dhalinyaro, Qoyskiisa iyo carruurtiisa.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay sida loo dhisayo Garoonka isagoo sheegay inay tahay hormar dalku ku tillaabsaday isagoo farxad ku tilmaamay in caasumadda Puntland yeelato garoon casri ah.

Juxa ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda ku deeqday lacagta lagu dhisayo iyo sidoo kale xukuumadda Puntland oo ku ammaanay dadaalka ay ku bixisay in mashruucan la hirgaliyo.

Waa booqashadii ugu horaysay wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia ku tago garoonkan tan iyo markii loo magacaabay jagadan.

Booqashadan ayaa kusoo aaday xilli wax shaqo ah aysan ka socon garoonka oo dhawaan Madaxweyne Gaas ku wareejiyay lacag gaaraysa Labo Malyan iyo Bar.

Shaqada garoonka ayaa hakatay kadib markii ay dhammaatay wajiga koowaad lacagtii loogu talo galay in lagu dhiso.

Muddo sannad ah ayaa dowladdu sheegtay in shaqadan lagusoo afmeeri doono, walow ay ka badatay. Lama oga xilliga la dhammaystiri doono waqti Guddi ay hormuud kayihiin ganacsato iyo waxgaradka gobolka Nugal ay wadaan in Madaarka laga dhigo mid casri ah oo la isticmaali karo habeen iyo Maalin.

Guddigan ayaa aruurinaya lacag hal Milyan ku dhow oo loogu talo galay in Layr lagu galiyo garoonka si waqtiga habeenkii ah loo isticmaalo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM