Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia oo xaflad loogu qabtay Eyl
EYL, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u hishiisiinta dowladda Federaalka Somalia, oo shalay gaaray magaalada Eyl ee gobolka Nugal ayaa halkaas loogu qabtay kulan soo dhaweyn ah oo ay sameeyeen dadka ku dhaqan degmadaas.
Kulankan oo ahaa mid isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war-qaadasho ayaa waxaa kasoo qayb galay wafdiga wasiirka oo uu kamid ahaa qoraa kayimid magaalada Hargaysa, maamulka degmada, Abwaano, dadweyne kale oo dalxiis ahaan uga tagay Garowe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Eyl.
Maamulka degmada Eyl oo ay ka joogeen Guddoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaano katirsan golaha deegaanka, ayaa hoosta ka xariiqay inay ku faraxsanyihiin booqashada wafdigan oo ay ku tilmaameen mid ay ugu dambaysay waqti dheer.
Waxay soo jeediyeen in laga war-hayo Eyl maadaama ay tahay goob taariikhi ah ilaahayna ku mannaystay Cimilo wanaagsan, khayraad dabiici ah iyo raad ay ka tageen Dadkii hore gaar ahaan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Abwaan Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo wasiirka ku wehelinayay socdaalka, islamarkaana safar dheer kasoo galay deegaamada maamulka Somaliland, ayaa aad usoo dhaweeyay dhaqanka iyo bilicda degmada Eyl isagoo sheegay inay tahay meel ku wanaagsan degitaanka iyo ku noolaanshaha, wuxuuna dadka reer Eyl ka codsaday inay ilaaliyaan taariikhda ku tuugan.
Qaar kamid ah hal abuurradii kasoo qayb galay munaasabadaas ayaa madasha kasoo jeediyay tix kala duwan oo ay uga hadlayaan sida uu wasiirku isugu xil saaray inuu yimaado Eyl oo in kabadan 200KM dhinaca Bari ka xigta caasumadda Puntland ee Garowe.
Cilmi Baare, Cabdinaasir Maxamed Yuusuf Kabayare oo madashaas khudbad iyo macluumaad maqal iyo muuqaala isugu jira kusoo gudbiyay ayaa ka hadlay waxyaabaha loo mari karo dibu hishiisiinta guud ahaan Dalka, waxaana goobta lagusoo bandhigay Muqaalo ka hadlayay Nabadaynta iyo hishiisyo guulaystay oo ay hormuud ka ahayd Haya'ada PDRC .
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hadal kooban u jeediyay bulshada ree Eyl, ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo dib u hishiisiinta isagoo sidoo kale xusay in dowladda Federaalka Somalia isha ku hayn doonto magaaladan qadiimiga ah.
Juxa ayaa sidoo kale shacabka reer Eyl uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay soo dhaweynta iyo maamuuska ugu sameeyeen.
Dhinaca kale, wasiirka oo ay weheliyaan Marwadiisa, Carruurtiisa iyo qaar kamid ah asxaabtiisa ayaa booqasho ku tagay goobaha loo dalxiis tago degmadaas, dhismayaashii qadiimka ahaa, xarumaha dowladda, kuwa bulshada iyo goobaha laga helo waxyaabaha dabiiciga ah ee bulshadu isticmaasho, sida ilaha biyaha.
Safarkan oo hal maalin qaatay ayaa kusoo aaday xilli lagu jiray dabaal daga maalmaha ciida iyo kuwa xoriyadda dalka Somalia oo aakhirkan bisha la xuso.
GAROWEONLINE