​Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo Garowe yimid xilli uu fariin u diray shacabka Puntland [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u hishiisiinta dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe caasumadda Puntland halkaasoo soo dhaweyn sare loogu sameeyay.

Wasiirka ayaa socdaal dhinaca dhulka ah kaga yimid magaalada Galkacyo oo dhowr maalin kawaday shirar ku saabsan dib u hishiisiinta iyo xasilinta gobolka Mudug. 

Duleedka Koonfureed ee magaalada Garowe, ayaa wafdigan waxaa uga hortagay oo soo dhaweyn u sameeyay; masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan Caasumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah.

Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha dowladda Somalia, ayaa shacabka caasumadda kula hadlay Barxadda Garowe isagoo ka mahadceliyay sida heerka sare leh ee loogu maamuusay caasumadda Puntland.

Juxa, ayaa shacabka Garowe u sheegay inuu hambalyo uga wado Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaare Khayre. 

Wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia kusoo wajahanyahay magaalada Garowe, sidaas darteed reer Garowe looga fadhiyo inay usoo dhaweyaan si maqaam sare leh. 

Mar uu ka hadlayay amniga iyo kala dambaynta ka jirta Puntland, wuxuu sheegay inay tahay arrin aad u muhiimsan oo loo baahanyahay inay dadku ka qayb qaataan sidii loo ilaalin lahaa, isagoo carrabka ku dhuftay inay jiraan cadow badan oo doonaya inay dhantaalaan hormarka waddanka gaar ahaan Puntland. 

Intaas kadib Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada halkaasoo ku qaabilay Madaxweyne Gaas iyagoo kawada hadlay arrimo ku aadan dadaalada ay wado wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia. 

Wasiirka ayaa sidoo kale galabta booqasho sharafeed ku tagay hoyga uu Garowe ka daganyaha Islaam Ciise Islaam Maxamed.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Juxa ku yimaado magaalada Garowe tan iyo markii uu kamid noqday golaha xukuumadda Federaalka Somalia ee hormuudka u yahay Xasan Cali Khayre. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM