Wasiirka howlaha guud ee Puntland oo ka jawaabey warbixin lagu qorey warsidaha Garowe Online

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka howlaha Guud ee Puntland Cabdirashid Maxamad Xirsi ayaa Barta uu ku leeyahay Facebook kaga jawaabey warbixin warsidaha Garowe Online ka qorey buug ka hadlaya Xeer nidaamiyaha magaalooyinka Puntland kasoo aqalka wakiilada Puntland dib ugu soo celiyeen wasaaradda  kadib markii ay ka heleen warbixino aan waafaqsaneyn qaab dhismeedka goboleed iyo xukumadeed ee Puntland madaama warbixinta xeerkaan laga soo minguuriyey dowlada Somaliland. 

Wasiirka howlaha guud ee Puntland ayaa qoraalkiisa uu soo dhigey baraha bulshada ku sheegey inuu jawaab celis ka sameynayo been abour laga sameeyey kadib markii  mudanayaal ka codsadeen isagoo dhinaca kale ku dheeraadey taariikh nololeedkiisa iyo aqoonta uu u leeyahay sharciga.

Mundane Cabdirashid Maxamad Xirsi ayaa sidoo kale qoraalkaan uu soo dhigey Facebook kaga hadlay marxaladihii uu soo marey barnaamijka lagu soo diyaariyey xeerkaan isagoo raaciyey bogg (Link) oo ay ku qoran tahay kulamo wasaaradiisu la qaadatey hay'adda UN Habitat oo ka caawineysay barnamaijkaan.

Qoraalkaan Wasiirka howlaha guud ayuu  ku cadeeyey in xeerkaan golaha wasiirada Puntland soo ansaxiyeen sida uu warsidaha GO horey ugu qorey warbixintiisa Halkan riix  balse ma qirin mudanuhu islamarkaana ma beenin in xeerkaan la horgeeyey aqalka Barlamanka Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka howlaha guud oo inta uu ku guda jirey qoraalkaan isticmaalyey  kalmada been abuur laga sameeyey ayaan tilmaan u sameyn in buuga warsidaha GO warbixnta ka soo diyaariyey yahay mid been abuur ah iyo in kale.

Ugu dambeyntii eedeynta Wasiirka howlaha guud oo warsidaha GO gabi ahaanba diidey ayuu waxaa uu ku xusey in howlaha uu shacabka u hayo waxba ka badaleyn website laga qoro Garowe.

Guddiga tafatiryaasha warsidaha GO ( Editorial board ) oo ku casumaya mundane Cabdirashid wareysi mareegtaan kala yeelato buugaan ayaa sidoo aad uga xun hadalka Wasiirka hoos ugu dhigey maqaamka magaalo madaxda Puntland.

Warsidaha GO oo wararkiisa ku qora afafka Somaliga iyo Ingriiska ayaa waxaa dhidibada loo taagey sanadkii 2004 kadib markii dhalinyaro aqoonyahano arkeen baahida shacabka Somalia u qabo iney helaan warbixino iyo warar kale ee dalkooda khuseeya.

Inkastoo saxaafada dalka Somalia u baahan tahay tababaro iyo tageero farsamo ayaa hadana waxay ku amaanan yihiin iney  buuxiyeen kaalintii laga rabey hay'daha dowlada oo la xisaabtami lahaa madaxda dalka Somalia kaasoo dagaaladu sokeeye ka socdeen muddo kor u dhaaftey 20 sano.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM