Wasiirka Kaluumeysiga DFS oo sheegey in Puntland fashilisay shir looga hadli lahaa Kaluumeysiga

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Kalluumeysiga dowladda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi, ayaa ku eedeeyay Puntland inay fashlisay shir Caalami ah oo looga hadli lahaa Kalluumeysiga.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka ay Puntland fashilisay uu ahaa mid maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe uga hadli lahaayeen qeybsiga Dhakhliga Kalluumaysiga TUNA, kaasi oo lagu qabtey magalaada Muqdishu. 

Sababta fashilka keentay ayaa waxay ahayd in Puntland ay u dhaqantay sida dal Madaxbanaan, kadib markii ay dalbatay Saamiga la eg mid dowladda dhexe, ay ka helayso lacagta laga qaado Shirkadaha ka Kalluumaysanaya Biyaha Somalia.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi, ayaa intaasi ku daray in Mamaul Goboleedyada kale ee dalka, ay ogolaadeen inay qaateen Saamiga loo qoondeeyay, balse Puntland ay diidey, sidaasina Shirka ku fashilmay.

Midowga Yurub, Bangiga Adduunka, Hay'adda USAID ayaa soo qaban-qaabiyay Shirka u dhaxeeya maamullada Federaalka iyo dowladda dhexe, si ay u gaaraan heshiis dhanka qeybsiga Kheyraadka Badda.

Shirka oo Wajigiisa hore ka dhacay Muqdishu bishii April, waxaana la qorsheynayay in lagu dhameystiro 7-da bishan dalka Seychelles, balse lagu soo kala tagey markii Puntland ay shuruudo adag keentay.

Wasiiradda Kalluumeysiga Galmudug, HirShabelle, Southwest, Jubbaland, Puntland iyo dowladda dhexe ayaa ka qeybgalay Shirka qeybihiisa hore, waxaana la sameeyay Gudi isku dhaf ah, oo ka shaqeeya heshiiska lala galayo Shirkadah shisheeye.

Puntland Shirka Seychelles waxay u dirtey oo uga qeybalay Wasiiru Dowlaha Kalluumaysiga  Kulmiye Cabdiraxmaan Jamaac, halka dowladda Federaalka u joogay Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga Cabdullaahi Cumar Abshir iyo  Wasiir Ku-xigeenka Maaliyada  Cabdullaahi Sheekh Cali.

Dhinacyada Gudi ay sameysteen ayaa isku raacay in laga kalluumaysan karo aaga loo yaqaano (Exclusive Economic Zone EEZ 50 200 nautical mile), qaybtaas oo ah dhul badeedka u gaarka ah wadan kasta uu leeyahay, oo uu ka kalluumaysan karo.

Lacagta laga qaado Shirkaddaha iyo dowladdaha doonaya inay ka kalluumaystaan Badda Somalia waxaa lagu heshiiyay inay Ruqsadda (License) ay siiso dowladda dhexe, lagactana lagu shubo Bangiga dhexe.

Dhaqaalaha sida loo qeybsanayo waxaa go'aan ka gaaraya Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana Bangiga Dhexe Somalia laga abuurayaa Akoon lagu magacaabo "Dhaqaalaha Kalluumeysiga TUNA."

Bangiga Dhexe wuxuu afartii biloodba mar u dirayaa maamul goboleedyada Warqadda cadaynaysa lacagta kusoo dhacday, iyo saamiga ay ku leeyihiin, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM