Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya
Garowe, Soomaaliya — Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa si kulul uga hadlay doorka dowladda Turkey ee Soomaaliya, isagoo sheegay in aysan wax muuqda ka tari doonin xasillooni waarta, amni ama maamul wanaagsan.
Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi, isla markaana uu dhaawacayo sovreignty-ga Soomaaliya iyo in kheyraadka dalka si khaldan loo isticmaalo.
“Waxqabadkooda ma keenin wax faa’iido muuqata oo shacabka Soomaaliyeed ku anfacaya,” ayuu yiri Dirir, isagoo carrabka ku adkeeyay in taageerada caalamiga ah ay tahay in ay ka shaqeyso horumar waara iyo xoojinta maamul wanaagga, halkii ay ka adeegsan lahayd ajendooyin dibadda ka yimaada.
Turkey ayaa Soomaaliya ku leh sal-dhig milatari oo ugu weyn Afrika isla markaana waxay maamushaa dhismaha safaaradda ugu weyn adduunka. Ankara sidoo kale waxay tababartaa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa booliska isla markaana waxay la leedahay dowladda Soomaaliya heshiisyo waaweyn oo la xiriira ammaanka badda, shidaalka, iyo ganacsiga, taasoo muujinaysa saameynta ballaaran ee Turkey ku leedahay dalka.
Hadalkan ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan cabashooyinka ku saabsan saameynta dibadda ee Soomaaliya, halkaasoo dalal badan ay si weyn uga qeyb qaateen mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, iskaashiga amniga, iyo barnaamijyada gargaarka bani’aadamnimo.
Dirir ma sheegin tusaalooyin gaar ah oo musuqmaasuq ah, balse wuxuu adkeeyay in Puntland ay ka filayso la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay u shaqeeyaan si hufan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa taariikh ahaan ku tiirsanayd iskaashiga caalamiga ah ee dib-u-dhiska iyo horumarka, balse xiisado ayaa ka soo ifbaxay markii hogaamiyeyaasha maxalliga ah ay u arkaan in kaalmooyinka caalamiga ah ay adeegayaan danaha deeq-bixiyayaasha halkii ay ka turjumayeen baahiyaha dalka.
GAROWE ONLINE