Wasiirka waxbarshada Puntland oo ku jira olole siyaasdeed ee cusub

Image

GAROWE Feb 4,2015 [ GO]- Wararka la xiriira magacabistii maalmihii lasoo dhaafey lagu sameeyey gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cabdulahi Ciise Axmad ayaa xusaya in wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame uu qayb kamid ahaa dadkii olaleynayey u galey inuu xilkaan ku guuleysto.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cabdulahi Ciise Aw Axmad ayaa sida la rumeysan yahay qayb ka ahaa dadkii u olaleynayey Wasiiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame markii uu u tartamayey xilka madaxweynaha dowlada Puntland Jan 8,2014.

Mr. Xaaji ayaa kamid ahaa dadkii maalintii shaley ka qayb galey xafaladii xilka uu kula wareegayey gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal isaga oo hadal ka jeediyey halkaas.

Dhinaca kale gudoomiyihii hore ee xilka laga eryey Cabdiqani Xaashi Cali "Bumbo" ayaa kamid ahaa kooxdii waqtiga ololaha doorashada Jan 8,2014 tageerayasha u aheyd madaxweynaha hadda talada haya Cabdiweli Cali Gaas. 

Wasiirka waxbarshada Putland ayaa dadka la socda dhaqdhaqiisa siyaasdeed waxey rumeysan yihiin inuu dadaal ugu jiro sidii uu xilal ugu heli dadkii siyaasad ahaan tageersanaa intii uu tartanka ku jirey.

Cali Xaaji Warsame oo dhowaan kasoo noqdey safar uu ku tagey gobolka Mudug ayaa wararku sheegayan in shirar uu la yeeshey qaar tirsan qaba'ilka halkaas daga aysan farxad galin qaabkii loo maamuley mdaxaweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo la filayey inuu dhowaan safar ku tago gobolka Mudug ayaa wararka sheegayaan inuu hakiyey kadib markii ay soo baxeen guux siyaasadeed oo halkaas ka jira.

Gaas iyo tageerayashiisa dhinaca siyasada ayaa shaki galinaya siyaasada wasiirka waxbarshada Puntland Cali Xaaji ee ku aadan gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM