Waxgaradka gobolka Nugaal oo tageeray xukuumada cusub ee Somalia [ Dhageyso]

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxgaradka gobolka Nugaal oo ay horkacayaan Issimada ayaa maanta kulan isugu yimaadeen tageeray xukuumada cusub ee Somalia iyagoo ka dalbadey Barlamanka Federaalka Somalia ansaxiyaan golaha wasiirada cusub.

Kulankaan ayaa lagaga hadlay wajibaadka golaha xukuumada saaran iyo dardaaran loo darey madaxda sare ee dowlada Federaalka Somalia. Barnaamijka lagu taageerayey xukuumada cusub ee Somalia ayaa waxaa qayb ka ahaa dhinaca kale madaxda gobolka iyo degmada gobolka Nugaal. 

Wararka soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas ka caroodey ka qayb galka xubnaha dowlada matalayey ee shirkaan sababo aan la sheegin.

Kulankii golaha xukuumada Puntland ee maanta ayaa lagu tageerin dhismaha xukuumada cusub ee Somalia.

HALKAAN KA DHAGEYSO 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM