Puntland: ​Weerar lagu qaaday Kantaroolka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Mallayshiyaad hubaysan ayaa xalay saq dhexe weerar ku qaaday Kantaroolka laga galo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo dhowr jeer lagu qabtay qaraxyo kooxda Al Shabaab doonaysay inay galiso magaalada.

Weerarka oo dhacay Abaare 01:00am habeenimo xilliga Bariga Afrika, waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan laamaha amniga Puntland oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashadu gaarayso 8 qof oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii saddexaad ee ciidanka Kantaroolka Boosaso kaasoo lagu magacaabi jiray Abshir Maxamud Muuse (Caato). Dadka dhintay ayaa u badan shacab waxaa ku jira haween, kuwasoo maydkooda la geeyay Cusbitalka Boosaaso.

14 qof oo Shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaas xilli ay  ku sugnaayeen nawaaxiga Kantaroolka Boosaaso gaar ahaan halka gawaarida lagu celiyo habeenkii.

Sarkaalkan oo magaciisa codsaday inaan la shaacin ayaa ku waramay in ciidamadu iska difaaceen weerarka mallayshiyadaas oo uu sheegay inay ahaayeen Al Shabaab.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay Dowladda Puntland.

Dhinaca kale lama oga cida fulisay weerarkaas, balse waxaa lagu tuhmayaa kooxda Al Shabaab oo inta badan mas’uul ka ah falalka amni darro ee ka dhaca gobolka Bari.

Arrintan ayaa timid xilli maalmo kahor Madaxweyne Gaas abaal-marin siiyay ciidamo ay ku jiraan kuwa Kantaroolka, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo iyo lacago faalso ah oo si dhuumasho ah lagu doonayay in lagusoo galiyo xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM