Labo weerar oo xalay magaalada Bosaso ka dhacay

Image

April 5, 2015 (GO)- Labo weerar ayaa xalay ka dhacay magaalada Bosaso, waxaana lala beegsadey goob habeenkii ciidamada boolisku gaadiidka ku baaraan iyo guri ku yaalla xaafadda New Bosaso una dhow masjidka Dacwa.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay bar-kantarool oo ciidamada boolisku ku leeyihiin agagaarka Hotel Ramada , wuxuuna ku  bilowdey bam gacmeed iyadoo intaas kadibna la maqley rasaaas qaddar daqiiqad ku dhow socotey. Labo qof oo dumar ah ayaa weerarkaas ku dhaawacmey.

Weerarka labaad waxaa lala beegsadey guri ku yaal xaafadda New Bosaso wuxuuna bartilmaameedkiisu ahaa duqa degmada Carmo Maxamed Cali Shire. Guddoomiyaha ayaa halkaas u tegey si uu u booqdo qaar kamid ah qaraabadiisa. 

Dhaawac ayaa soo gaarey guddoomiyaha degmada Carmo mid kamid ah ilaaladiisuna wuu geeriyoodey. Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmey afar dumar ah oo ku sugnaa guriga la weeraray.

Lama oga ilaa iyo hadda cidda weerarkan ka dambeysey, balse Al-shabaab ayaa weerarro caynkan oo kale ahaa horay Bosaso uga fulisey.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM