Labo weerar oo xalay magaalada Bosaso ka dhacay

Image

April 5, 2015 (GO)- Labo weerar ayaa xalay ka dhacay magaalada Bosaso, waxaana lala beegsadey goob habeenkii ciidamada boolisku gaadiidka ku baaraan iyo guri ku yaalla xaafadda New Bosaso una dhow masjidka Dacwa.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay bar-kantarool oo ciidamada boolisku ku leeyihiin agagaarka Hotel Ramada , wuxuuna ku  bilowdey bam gacmeed iyadoo intaas kadibna la maqley rasaaas qaddar daqiiqad ku dhow socotey. Labo qof oo dumar ah ayaa weerarkaas ku dhaawacmey.

Weerarka labaad waxaa lala beegsadey guri ku yaal xaafadda New Bosaso wuxuuna bartilmaameedkiisu ahaa duqa degmada Carmo Maxamed Cali Shire. Guddoomiyaha ayaa halkaas u tegey si uu u booqdo qaar kamid ah qaraabadiisa. 

Dhaawac ayaa soo gaarey guddoomiyaha degmada Carmo mid kamid ah ilaaladiisuna wuu geeriyoodey. Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmey afar dumar ah oo ku sugnaa guriga la weeraray.

Lama oga ilaa iyo hadda cidda weerarkan ka dambeysey, balse Al-shabaab ayaa weerarro caynkan oo kale ahaa horay Bosaso uga fulisey.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM