Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland oo u yeerey madaxda Hay'ada qandaraas bixinta

Image

GAROWE- Qoraal kasoo baxay Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Puntland ayaa waxa uu ku wargeliyey madaxda Hay'adda Qandaraas bixinta u qaabilsan Puntland inay yimaadaan xafiiska si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira musuq maasuq iyo maamul xumo soo wajahdey xafiiska ay maamulaan.

Masuuliyiinta looga yeeray xafiiskan la dagaalanka musuq maasuqa oo la ballamiyey inay xafiiska tagaan Isniinta (10April 2017), waxaa ay kala yihiin 

1-Ibraahim Axmed Cumar oo ah gudoomiyaha Hay'adaan.

2- Axmed Khaliif Gudoomiye ku xigeenka Hay'ada qandaraas bixinta.

3-Isxaaq Shiikh Cabdisalaan Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada u qaabilsan xafiiskaan.

4-Cabdiqani Faarax Dhaashane xoghayaha Hay'ada.

Guddiga qandaraasyada ayaa intooda badan waxay ku maqan tahay dalka Imaraadka Carabta halkaasoo la sheegey iney kaga qayb galayeen xaflad lagu saxiixayey heshiiska dekada Bossaso lagu dhisayo.

Howlwadeenadaan loo yeerey ayaa intooda badan waxaa xilalka u magacaabey Madaxweynaha dowlada Puntland.

Gudigaan ayaa inta ay shaqada hayeen ayaa waxa ka imaanayey cabashooyin ku saabsan musuqmaasuq lagu sameeyey nidaamka qandaraasyada Puntland..

Xafiiska la dagaalanka Musuqa ayaa ah markii ugu horeysay ee uu u yeero saraakiil ka tirsan dowlada kuwasoo wax laga waydiinayo howlo la xiriira Musuqmaasuqa

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM