​Xafladda 19 guuradii Puntland oo Madaxtooyada Garowe lagu qabtey [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Xafladda lagu maamuusayo markii la Aas-aasay dowladda Puntland ayaa iminka si toos ah uga socota xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, waxaana goob joog ka ah Madaxda dowladda, xubno kasocota golayaasha dowladda, saraakiil kasocda Qaramada Midoobay, taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xafladda oo iminka si toos ah u bilaabatay ayaa waxaa la qorshaynayaa inay ka hadlaan madaxda dowladda iyo sidoo kale lagusoo bandhigi doono riwaayado iyo heeso.

Xubin kamid ah Guddiga qaban qaabada xafladda ayaa sheegay in munaasabadda aysan ka duwanayn kuwii horay loo qaban jiray isagoo intaas ku daray in Madaxweyne Gaas magacaabay Guddi heer qaran ah oo ka shaqeeya maamuuska maalinta qiimaha badan.

Munaasibadda ayaa laga shiday muuqaal ka hadlayay wax-qabadka dowladda kasoo diiradda lagusaaray wax-yaabihii u qabsoomay xukuumadda talada haysa.

Barnaamijkaas oo uu diyaariyay TV-ga dowladda ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Gaas ku tillaabsaday wax-qabad aysan qaban madaxdii ka horaysay kaasoo lagusoo daray mashaariicdii dowladdu saxiixday ee ay ku jirto qorshaha lagu ballaarinayo dekedda Bosaso.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay Barnaamijkaas in dowladdu guulo muhiim ah ka gaartay dhinaca ammaanka iyadoo tusaale loo soo qaatay weerarkii Al Shabaab sannadkii hore kusoo qaadeen Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo qaar kamid ah madaxda dowladda ayaa la filayaa inay kasoo jeediyaan khudbado diiradda lagu saari doono xaaladda Puntland.

FG:- Xafladda iyo khudbadaha laga jeediyo oo Maqal iyo Muuqaal ah dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM