Xafladda furitaanka Kalfadhiga 40aad ee Barlamanka Puntland oo socota [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa hadda si toos ah uga bilaabatay xarunta golaha Barlamanka Puntland ee magaalada Garoowe xafladda furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee golaha shacabka Puntland.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay oo hoolka ku sugan Guddoomiyaasha labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, golayaasha dowladda, xildhibaano katirsan golayaasha shacabka ee dowladda Federaalka iyo marti sharaf kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Nugal oo hadda ka jeedinaya khudbad ayaa codsi u gudbiyay guddoomiye Jawaari kaasoo ah inuu la kulmo bulshada ka timid gobolka Koonfurta Soomaaliya ee ku nool gobolka Nugal.

Senetarada Aqalka sare iyo Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo socda kalmado ka jeediyaan furitaanka Kalfadhiga iyadoo sidoo kale ay hadleen qaar kamid ah bulshada rayid ah.

Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona arrimaha ugu muhiimsan ee laga jeediyo hoolka Barlamanka Puntland.

Waa markii ugu horaysay Guddoonka labada Aqal ee Barlamanka Soomaaliya ay ka qayb galaan Kalfdhiga Xildhibaanada Puntland iyadoo aysan jirin xafiisyo hay'adaha dowladda dhexe ku leeyihiin xarumaha maamul goboleedyada.

Booqashada labada Guddoomiye ee Garoowe ayaa kusoo aaday xilli uu jiro mugdi siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah.


Warsidaha Garowe Online oo warar ka helaya ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in magalaada Garowe ka socda kulamo u dhexeeya waftiga ka yimi Muqdisho ee labada aqal Barlamanka Soomaaliya iyo madaxda Puntland kuwasoo lagaga hadlayo sidii hay’adaha Dowlada uga qayb qaadan lahaayeen sidii nidaamka Federaalka loo baahin lahaa.

Kulamadaan ayaa sidoo kale waxaa lagaga hadlayey kulanka la filayo in 28 Oct, 2017 wada galaan Dowlada Federaalka iyo madaxda maamulada Soomaaliya kaasoo ka dhici doona magalaada Muqdisho.

Golayaasha Barlamanka gaar ahaan aqalka sare ayaa sameeyey guddi qayb ka noqda wadahadalkaas.

Madaxda Dowlada Federaalka ah ayaa inta badan ku sugan magalaada Muqdisho taasoo sababtey in hay’adaha dowliga ee Federaalka noqdaan kuwo shaqooyinkooda fadhiid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM