Xanuun ka dillaacay degaanka katirsan Jariiban Mudug

Image

Ku dhawaad 40 ruux ayaa la il daran xanuun ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Gal-xagar oo katirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay guddiga tuuladaasi Maxamud Cabdi Xuseen.

Xanuunkan ayaa la sheegay inaan astaantiisa la aqoon balse loo malaynayo inuu ka dhashay Kaneeco badan oo deegaanka ka jirta, waxaana tilmaamihiisa lagu sifeeyay Shuban iyo Matag, soo wajahaya dhammaan bulshada  isagoon u kala soocayn shacabka  yar-yar, waaweyn, dumar iyo carruurba.

Goobta dhibaatadu ka taagantahay malahan goobo caafimaad ah, waxana ugu dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 65KM kaga beegan dhinaca Galbeed.

Maxamud Cabdi Xasan oo lahadlay Radio Garowe, wuxuu sheegay inaysan awoodin la tacaalidda dadka tabaalaysan, balse la xiriireen degmada ay hoostagaan, isagoo xusay inaysan weli ka helin gurmad.

Wuxuu ka codsaday dowladda Puntland, hay'adaha kaalmada bixiya iyo bulshada reer Puntland inay ka qayb qaataan sidii dadkaasi loo caawin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM