​Xarumo caafimaad oo laga hirgaliyay tuulooyin katirsan Dangoroyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta xarigga ka jaray xarumo caafimaad oo laga dhisay Tuulooyinka Baq-baq iyo Budun-buto oo ka Tirsan Dagmada Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Dhismayaasha la dhammaystiray ee xarigga laga gooyay ayaa wasiir Cuuke dhagax dhigay muddo laga joogo  7 bilood kadib markii la arkay baahida caafimaad ee ka jirta deegaanadaas oo mas'uulkaasi ku marayay booqasho.

Deegaanadan oo in kabadan 200KM u jira magaalada Caasumadda ah ee Garowe, ma aysan lahayn goobo caafimaad, waxayna dadka deegaanku wasaaradda caafimaadka ku ammaaneeneen muhiimadda ay iska saartay sidii dadkaas loogu samayn lahaa xarumo ay ka helaan adeegyo caafimaad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciddi bukoota loo qaadi jiray magaalada Garowe, taasoo mararka qaar aysan awood u heli jirin inay gaarsiiyaan bukaanka, halka qaybtood jidka ku naf-bixi jireen.

Socdaal uu saaka ku tagay wasiir Cuuke oo ay wehelinayeen maayarka Dangoroyo, xubno katirsan hay'adda World Vision oo ka qayb qaatay dhismaha xarumahaas, kadib ayaa xariga laga jaray dhismahaas, waxaana dadka deegaanka loogu baaqay inay ilaashaadaan kuna dadaalan sidii ay usii ballaarsan lahaayeen maadama arrintani tahay bilow wanaagsan.

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo hadal ka jeedinayay xafladda furitaanka ayaa sheegay in dhismayaashan ugu talo galeen in wax looga qabto baahida caafimaad ee ka jirta deegaanka kaasoo uu xusay inay ku ogaadeen kormee ay ku mareen tuulooyinkan iyo war-bixino ay ka heleen shacabka.

"Tani waa bilow wanaagsan, idinka ayaa la idin ka rabaa inay ku dadaashaan sidii loo ballaarin lahaa loona ilaalin lahaa, wasaaraddu waxa ay idin ka hagranayso ma jirto dadaalna waan ku bixin doonaa sidii la idiin taageeri lahaa. Runtii waan u mahadcelinayaa reer Baq-baq oo dhismihii loo dhisay sii ballaariyay oo wax ku daray, balse in guri la dhisaa waa fududahay, laakiin waxaa loo baahanyahay  in laga shaqaysiiyo cidda ka shaqaysiinaysana waa idinka," Ayuu yiri Cuuke.

Dadka deegaanka ayaa mas'uuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo kuwa heer degmo ee booqashada ku tagay u sameeyay soo dhaweyn ballaaran iyagoo ku booriyay inay sii wadaan dadaalada ku aadan in goobo caafimaad loo sameeyo deegaanada Laamiga ka baxsan.

Wasiirka xilka sii haya ayaa horay u ballan qaaday markii uu xafiiska yimid in wasaaraddu ku dadaali doonto sidii ay adeegyada muhiimka u ah nolosha aadana ay u gaarsiin lahaayeen goobaha laamiga ka baxsan, wuxuuna markii ugu horaysay Mudane Cuuke ku tagay socdaal deegaano fog fog oo ku yaalla Bariga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM