​Xildhibaan Garowe lagu doortay

Image

GAROWE, Puntland- Kursi kamid ahaa 11-kii  xubnood ee ay soo celiyeen guddiga khilaafaadka doorashada Somalia ayaa maanta mar kale lagusoo xulay magalada Garowe.

Xildhibaanka Barlamanka Federaalka Somalia u matalaya beesha Ugaas Saleebaan ayaa waxaa horay guddigu u sheegeen in doorashadiisa loo maray qaab musuq-maasuq ah iyadoo la codsaday in mar kale lagu soo doorto deegaanada Puntland.

Doorasho saaka ka dhacday Xarunta Jaamacadda PSU ee caasumadda Growe, waxaa mar kale ku guulaysatay Cabdi Maxamuud Maxamed, oo horay booskan ugu guulaystay kahor intaan lasoo celin.

45 cod ayuu ka helay Ergadii dooranaysay isagoo ka guulaystay murashax lagu magacaabo Maxamed Cali Madoobe.

Khilaaf xoog leh ayaa muddooyinkii dambe ka taagnaa kursigaas iyadoo shalay Odoyaasha beeshaas soo saareen war-saxaafadeed ay kaga digayaan in musuq-maasuq kursigooda loo adeegsado.

Eedayn xoog leh ayay usoo jeediyeen guddiga doorashada heer Puntland iyagoo ku dhaliilay inay ergo aan matalin beesha u xareeyeen murashax gooni ah.

Guddigu wax war ah kama soo saarin arrintaas.

Balse tallaabada maanta waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah odoyaasha Ugaar Saleebaan.

Guddiga doorashada Somalia, ayaa horay go'aan ugu gaaray in beel kasta oo kursigooda la celiyo kusoo dooran doonaan qaabkii hore iyadoo soo xulistu ka dhici doono meeshii horay loogu qabtay islamarkaana u codayn doonaan 51 Ergo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM