Xildhibaan ku eedeeyay Madaxda sare ee Puntland inay daabacaan Lacag faalso ah [Dhagayso]
GAROWE, Puntland- Mudane katirsan Barlamanka Puntland, ayaa eedayn dushad auga tuuray Madaxweyne Gaas iyo Guddoonka Xidhibaanada kuwasoo uu dusha uga tuuray inay mas'uul ka yihiin sicir bararka, bannaan baxa iyo kala sooca lacagta ee hadda ka soconaya deegaanada Puntland.
Xildhibaan Burhaan Aadan aw-Cabdi oo la hadlay Radio Daljir, ayaa sheegay in dhibkan uu soo bilowday markii Madaxweyne Gaas iyo Guddoonka Barlamanka ku shirkoobeen makiinad daabacda lacagta oo la keenay magaalada Bosaso.
Burhaan oo aad ugu cel-celiyay arrintan iyo madaxdu ka dambayso ayaa carrabka ku dhuftay inay u hayaan caddaymo in Masuuliyiinta Sar sare ee dowladda Puntland ay ku lug leeyihiin daabicida lacagta faalsada ah ee shiling Soomaaliga oo dhibaato dhaqaale iyo mid amni ka abuurtay guud ahaan degaamadda Puntland
“Waxaas oo dhibaato waxaa ka shaqeeyay dadkii sameeyay lacagta been-abuurka, foojariga dadkii sameeyay ayaa masuul ka ah, Masuuliyiinta Sare sare ee Puntland ayaa masuul ka ah, Madaxweynaha ayaa kow ka ah, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku-xigeenkiisa ayaa saami ku leh (shareholder), annagaa sheegayna Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa makiinada lacagta daabacda ku jira, wixii dhacay oo dhan iyagaa ka masuul ah,” Ayuu yiri Xildhibaan Burhaan.
Xildhibaanku oo sii hadlaya ayaa ugu ugu baaqay Ganacsatada iyo dadweynaha reer Puntland inay daadiyaan lacagta cad-cad ee lagu daabaco gudaha Puntland ,islamarkaan la gubo meeshii lagu arko.
Wuxuu sheegay in lacagta lagu daabacay Bosaso ay dhabada u xaartay sidii ay gobollada Puntland usoo gali lahaayeen lacago kale kuwaasoo laga soo waariday maamullada kale ee dalka Somalia, taasina sare u kicisay dollarka oo waqtigaas sida uu sheegay mudane Burhaan marayay 22 kun Shilling Somali ah.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka horyimid in lakala saaro lacagta Shilling Somaliga ah, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka lagu amro qaadashada faalsada, tii waddanka la yiraahdo waa mamnuuc ee ha la gubo.
Qaar kamid ah mudanayaasha ayaa aaminsan in kacdoonka shacabka ee haatan kasocda qaybo kamid ah Puntland ay ka dhigantahay kii carabta, iyagoo xukuumadda iyo laamaha amaniga ugu baaqay inay xalliyaan tabashada shacabka, hadii kale arrintu faraha ka bixi doonto.
Shacabka ayaa la dhibaatoonaya jaah-wareerka ka jira suuqyada Puntland, waxaana jira qoysas badan oo aan dabka shidan karin iyagoo lacag haysta, sababtuna tahay in lagusoo celiyay oo lagu amray inaan la qaadan karin lacag aan ahayn midda lagu daabacay gudaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland, ayaa mar uu hortagay Kalfadhigii hore ee Barlamanka Puntland inkiray in lacag faalso ah lagu daabaco gudaha Puntland, kadib markii mudane wata Boqol kun oo Shilling Somali ah uu soo galay hoolka.
Gaas ayaa waqtigaas ku jawaabay inuusan wax ka ogayn arrintaas, balse wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa waraysi uu siiyay barnaamijka Deperani show bishii June 2017 ku cadeeyay in dowladu daabacdo lacagta shilingka Somaliga.
Mar uu ka hadlayay sababta xukuumadda ku kaliftay, wuxuu sheegay in waddanka laga waayay lacagta Somaliga.
Arrimahan ayaa kusoo aaday xilli walaac xoog leh laga qabo dhibaatada dhaqaale ee haatan ka taagan deegaanada Puntland.
GAROWEONLINE