​Xildhibaan Wariyaal kala qayb galay Bannaanbax Garowe ka dhacay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wariyayaasha ka howlgala magaalada iyo ururka MAP ayaa maanta ku hor banaan baxay xarunta Baarlaamaanka Puntland ee magaalada Garowe, waxaana ay dalbanayeen in la sii daayo Wariye kamid ahaa howl-wadeenada ururka MAP.

Wariye Cumar Dheere, ayaa maalinkii Afraad ku xiran xabsi ku yaalla Kantaroolka Koonfureed ee caasumadda Puntland, iyadoo aysan jirin maxkamad lasoo taagay.

Xubnaha kala duwan ee wariyaasha ka howlgala Garowe oo ay hormuud u yihiin madaxda ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee MAP, ayaa ka cowday qaabka dowladdu u adeegsato xariga Saxafiyiinta, waxayna ku baaqeen in deg deg loo sii daayo Wariye Cumar Dheere.

Waxay sheegeen inay ogolyihiin sifo sharci ah in lagu kala baxo islamarkaana aan loo adeegsaday awooda qaab aan sharci ahayn.

Xildhibaan Yuusuf Gaacshe oo kamid ah Barlamanka Puntland oo wariyaasha la bannaanbaxay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Xorriyada hadalka islamarkaana hadii muwaadin la xirayo loo adeegsado xabsigiisa sifo sharci.

Gaacshe ayaa ku baaqay in isagoo ku hadlaya afka Barlamanka codsanayaan in lasoo daayo Cumar Dheere.

Lama oga ilaa hadda cida uu u xiranyahay Cumar dheere iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Puntland.

Wariyahan ayaa kahor inta aan la xirin si weyn wax uga qorayay arrimaha sicir bararka iyo diidmada lacagta Shilling Somaliga.

Maaha markii ugu horaysay ee xabsiga la dhigo Wariye mudadii uu talada Puntland hayay Madaxweyne Gaas, waxayna kusoo aaday xilli ay ballanqaaday inay ilaalinayso xuquuqda hadalka.

HALKAAN KA DAAWO 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM