Xisaabiyaha gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaadey

Image

February 3, 2015 (GO)- Waxaa goor dhow isku day dil ka badbaadey xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaada yare).

Qaraxa nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ah ayaa lala beegsaday gaariga mas'uulkaas xilli uu xafiiskiisa kusoo jeeday.

Wax dhibaato ahi Gaada-yare qaraxa kama soo gaarin, marka laga reebo gaarigiisa oo qaybta dambe ka burburay.

Siciid Cali Yuusuf “Gaada yare” wuxuu laga soo bilaabo sanadkii 1999 soo ahaa xisaabiyaha xafiiska Wasaarada Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug.

Bishii December ee lasoo dhaafay, waxaa isku day dil oo caynkan oo kale ahaa ka badbaadey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM