Xisbiga Horseed oo dugsi ka dhisaya magaalo 20 sano aan waxbarasho lahayn

Image
Deegaanka Salaxlay ayaa GAROWE Ka xiga dhanka Koonfureed,wuxuuna qiyaastii u jiraa 20km.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Horseed oo magaalo 20 sano aan waxbarasho lahayn Dugsi ka dhisaya.

Musharax xildhibaan Abdidaahir Abshir Maxamuud oo ka sharaxan Xisbiga Horseed iyo Masuuliyiin kale ayaa deegaanka Salaxlay ka dhagax-dhigay Dugsi Hoose dhexe,waxaana ka qayb-galay munaasabadda dhagax-dhigga qaarka mid ah mas’uliyiinta xisbiga,Nabadoono iyo dadka deegaanka.

Shacabka deegaanka Salaxlay ayaa Xisbiga Horseed uga mahad-celiyay Dugsiga ay u dhisayaan,waxayna tilmaameen in deegaanku uusan-lahayn goob waxbarasho,balse maanta loo bilaabay dugsigii ay ubadkooda wax ku bari-lahaayeen.

Musharax Xildhibaan Abdidaahir Abshir Maxamuud ayaa tilmaamay in dugsigaaan uu manta dhagax dhigay muddo dhow dhismihiisu dhammaanayo,wuuna xusay dhismahaan dugsigu uu yimid ka dib markii Xisbigu arkay baahida halkaan ka jirta.

Deegaanka Salaxlay ayaa GAROWE Ka xiga dhanka Koonfureed,wuxuuna qiyaastii u jiraa 20km.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM