XOG: Ciidamada Amniga Bossaso oo Dad kale u Qabtey Gaarigii Qaraxyada Sidey
BOSSASO: Kadib markii maalintii shaley 31/05/2017 magalaada Bossaso bar-konrool ee ku taal afaafka hore ee laga soo galo xarunta ganacsiga Puntland lagu qabtey gaari kuwa xamuulka qaada ah kasoo sidey qaraxyo iyo agab kaloo ciidamada loogu talagaley ayaa waxaa sida warsidaha GO ogaadey loo qabtey dad kaloo muhiim ah.
Warsidaha GO oo la hadlay saraakiil kuwa amniga ah kuwasoo diidey magacooda in aan xusno sababo jira awgood ayaa waxay noo sheegeen in la qabtey ninkii qaraxyadaan u gudbin lahaa kooxaha argagixisada ah.
Ninka la qabtey oo magaciisa lagu soo koobey Farax ayaa xogtaan waxay noo sheegtey in ciidamada booliiska Puntland kala hadleen taleefan ay wateen labadii nin ee lagu qabtey qaraxyadaan kasoo u sheegey goobta uu rabo in qalabkaan kula wareego.
Sida warsidaha GO saraakiisha ciidamada u sheegtey ninkaan magaciisa lagu soo koobey Farah arimo dhinaca amniga ah ayaa u tilmaamey saraakiisha ciidamada Inuu ku sugan yahay Masaajid ku yaal suuqa qudaarta magalaada Bossaso.
Farah ayaa markii la qabanayey watey baabuur noociisu yahay kuwa caanaha ka keena dhulka baadiyaha ee ku dhow Bossaso iyo labo nin oo Xamaali ah.
Dhinaca kale warsidaha GO ayaa ogaadey in markii la qabanayey ninkaan wakiilka u ah kooxaha argagixsada ay ciidmada Booliiska Puntland oo iska dhigaya labadii dhalinyarada aheyd ee qalabkaan lagu qabtey ay waydiiiyeen qofka uga soo dhiibey qaraxyadaan magalada Baladweyne isagoo u sheegey labo qof magacayadooda kuwaasoo la ogaadey markii dambe iney yihiin milkiilayaasha Qudaarta gaarigaan sidey taasoo lagu soo dhex-qariyey qaraxyadaan.
Farah ayaa sida aan kasoo xiganey saraakiisha amniga in muddo ah raadinayeen iyagoo xogta ku hayey Inuu kooxda Al shabaab ee ku jira buuraha Galgala wakiil uga ahaa magalaada Bossaso.
Ninka la yiraahdo Farah ayaa warsidaha GO waxaa uu fahan-San yahay inuu kasoo jeedo beelaha daga halka la yiraahdo MACAGTA oo ku dhow buuraleyda Galgala isagoo u qaabilsan kooxdaan in Bossaso uu ka kexeeyo dhalinyarada ku soo biireysa ururka al- shabaab halka sidoo kale soo galiyo magalaada kuwa ka fulinaya falalka argagixisnimo.
Sida laga soo xigtey saraakiisha amniga Bossaso Darewaladii gaariga lagu qabtey sidey qaraxyadan iyo Milkiilahaba ayaa waxay kasoo wada jeedaan mid kamid ah beelaha daga gobolka Hiraan.
Labada qof oo ganacsatada ah ayaa sidoo kale wararku sheegayaan iney wax ogaayeen qaraxyadan ayaa sida xogtaan sheegeyso iyagana ka tirsan beelaha daga gobolka Hiraan.
Wararka ayaa xusaya in Milkiilaha markii lala hadlay uu sheegey inuusan wax ka ogeyn Rarka saarnaa gaariga iyadoo xog laga heley Baladweyne tibaaxeyso in habeenkii xalay labada beelood muran balaaran ka dhex abuurtey labadaan beelood.
HALKAAN KA DAAWO MIlKIILHA GAARIGAAN OO HADLEY
AFEEF: Warsidaha GO ayaa magacyada qabaa'ilka ay ka tirsan yihiin dadkaan ku lug leh falkaan ka reebey warbixintiisa arimo la xiriira amaanka iyo baaritaano weli socda.
Xogtaan waxay Gaar u tahay warsidaha GO hadada rabto Inaad xigato ama daabacdo kala soo xiriir warsidahaan. contact@garoweonline.com
GAROWEONLINE