XOG: Ergo ka tirsan beesha Leekase oo Garowe u joogta kordhinta tirada Barlamanka Puntland
GAROWE, Puntland- Ergooyin kor u dhaafeya 150 xubnood oo ka socota beesha Leelkase ayaa magalaada Garowe maalmihii lasoo dhaafey u joogtey sidii qabaa'ilka kale ee Puntland ugu qancin lahaayeen in tirada xildhibaanada Aqalka Wakiilada Puntland la kordhiyo iyadoo wax laga badalayo Dastuurka Puntland.
Wararka warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in dadaal kaas ka socda magaalo madaxda Puntland ay xubno ka tirsan Ergadaan kulamo la qaateen qaar ka tirsan Issimada Puntland kuwasoo kaga codsadey in kulan arinkaan looga hadlayo ka soo qayb galaan.
Kulankan ayaa ergada ka socota beesha Leelkase waxay ku damacsan yihiin in culeys lagu saaro Xildhibanada Barlamanka Puntland oo horey u diidey in la kordhiyo tirada mudanyaasha aqalka wakiilada iyadoo wax laga badalayo qodobada Dastuurka ee ka horimanaya talabadaan.
Qaban qaabada kulankan oo ka socota magalaada Garowe ayaa wararku waxay sheegayaan in qaar ka tirsan Issimada Puntland ka gaabsadeen iney yimadaan magaalo madaxda kuwasoo sheegey in xiligaan suurtagal aheyn in howlaha noocaan ah la faragashado.
Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ( Nuux Dheere) oo ay ka dhamaanayso waqtiga uu ka tirsan yahay aqalka shacabka Puntland ayaa sida GO fahansan yahay udub dhexaad u ah keenista ergooyinkaan magalaada Garowe iyo in kulan Issimada ah la qabto kasoo culeys lagu saarayo Barlamanka Puntland in mowqifkiisii hore wax kaga badalo.
Talaabada lagu qabanayo kulankaan ayaa timid kadib markii horey fashil siyaasdeed ugu yimid qoraal codsi ah uu Madaxweynaha Puntland u soo direy gudoonka Barlamanka kaasoo kaga dalbanayey in kalfadhiga 39aad aqalka wakiilada ku daro qodobada Ajandayashiisa sidii tirada xildhibaanada aqalka wakiilada Puntland loo kordhin lahaa.
Dastuurka Puntland ayaa qodobkiisa 60aad waxaa uu diidan yahay in tirada Xildhibanada Barlamanka Puntland la kordhiyo tan iyo inta la helayo tirakoobka saxda ah ee shacabka Puntland.
Xogtaan aya sheegeysa in Madaxweyne Gaas wax ka og-yahay kulankaan la damacsan yahay in culeyska lagu saaro Barlamanka Puntland.
Lama oga sababta Madaxweynaha Puntland si toos ah iyo dadban qorshahaan dabada uga riixayo iyadoo waqtigii Doorashada Puntland ka hartey muddo Hal sano iyo Bar ka yar.
Puntland ayaa ku guuldaresatey mudadii ay jirtey in nidaamka qabaliga ah ee Barlamankeeda ku dhisan yahay uga gudubto mid dimoqaraadi ah kasoo shacabku toos u soo dooran karaan xildhibaanada aqalka wakiilada iyo hogaamiye-yaasha siyaasada.
GAROWEONLINE