XOG: Kulanka Kismayo oo lagu kala aragti duwan yahay

Image

KISMAYO- Wararka aan ka helyno kulanka uga socda madaxda Somalida magaalada Kismayo ayaa sheegayaan in mowqifka hogaamiyaasha maamulada iyo dowlada Federaalka uusan weli isbadalin.

Madaxda dowlada Federaalka (Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra'isla wasare Cumar Cabdirashid iyo gudoomiyaha Barlamanka Jawaari) iyo madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed Somalia iyo Galmudug ayaa aaminsan in aqalka hoose ee Barlamanka Somalia lagu soo dhiso nidaamka 4.5 halka guriga sare rabaan in maamulada si siman u qaybsadaan xildhibaanadiisa.

Galmudug ayaa diidan in aqalka sare ee Barlamanka lagu qaybsado 18 gobol ee Somalia ka jira iyagoo dabada ka riixaya in maamul goboleedyada si siman u qaybsadaan xubnaha kamid noqnaya..

Is-xulafeysiga u dhexeeya maamuladaan iyo dowlada Federaalka Somalia ayaa ka dhigaya in Puntland iyo Jubland weli ku taagan yihiin mowqifkoodii ahaa in aqalka hoose ee Barlamanka Somalia xildhibanada uu yeelan doono lagu soo xulo degmooyin.

Kulankaan oo sida la sheegey beesha caalamka ka maqan tahay ayaa maalintii shaley ka furmey magaalada Kismayo iyadoo madaxdii halkaa ka hadashey jeediyeen hadalo soo dhoweyn ah kuwasoo xusey in loo baahan yahay in laga heshiisyo khilaafka jira.

Xogogaal uga waramey warsidaha Garowe Online kulankaan ayaa sheegey in kala qaybsanaanta jirta tahay mid khatar galin karta in shirkaan la isku afgaran waayo qodobada muhiimka u ah in lasoo xulo Barlamanka Somalia.

Madaxweyneha Puntland oo hadal ka jeediyey xafaladii loogu talagaley furitaanka kulankaan ayaa sheegey in maamulkiisa aaminsan yahay in nidaamka degmooyinka lagu soo xulo aqalka hoose Barlamanka balse aysan diidi doonin wixii Somali dan u ah.

Hadalka madaxweyne Cabdiwali Maxamad Cali Gaas ayaa shaki badan ku abuurey shacabka Puntland kaasoo loo fasirtey in tanaasul uu ka sameyn doono go'aankii guud ee ay gaareen dadka kasoo jeeda goboladaas.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Barlamanka hadda jira labo sano loo kordhiyo hadii kulanka Kismayo heshiis kasoo bixi waayo arinkaan ayaa waxaa soo jeediyey qaar ka tirsan madaxda shanta ah oo xulufada ku ah in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Barlamanka 2016.

Kororsiga dowlada Xasan Sheekh ayaa waxaa diidan beesha caalamka gaar ahaan kuwa baxsha lacagta faraha badan ee lagu tageero Somalia sida wadamada midowga Yurub iyo dowlada Mareykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM