XOG: Madaxweynaha Puntland oo ku mashqulsan magacabista golahiisa wasiirada

Image

GAROWE, Puntland- Golaha wasiirada Puntland oo laga sugayo in Madaxweyne Gaas magacaabo maalmaha soo socda ayaa wararka warsidaha Garowe Online ka helayo Ilo muhiim ah shegayaan in inta badan golihii hore dib u soo noqonayaan halka kuwa kooban xilka waayi doonaan ama wasaaradaha laga badali doono.

GO ayaa ogaadey in Madaxweynaha Puntland culeys ka haysto dhinacyada kale duwan ee bulshada sida madaxda qaba'ilka iyo xildhibanada taasoo dad xogogaal ah u sheegeen iney adag tahay in la ogoaado liiska saxda ah ee wasiirada iyo meelaha loo kala magacaabey.

"Waxaa adag in la ogaado magacyada saxda ah ee wasiirada cusub madaama liiska golaha cusub madaxweynahu gacanta ku hayo si joogta ah isu badalayo taasna waxaa keenaya culeysyada kaga imaanaya madaxda qabaa'ilada iyo xildhibaanada" sidaas waxa GO u sheegey qof xogogaal ah oo diidey in aan magaciisa xusno.

Dhinaca kale wararka hordhaca ah ee soo baxay ayaa sheegaya in wasiirada qaarkood laga yaabo in xilkooda waayaan halka kuwa kale laga badali doono wasaaradaha.

Ku simaha Wasiirka arimaha gudaha Axmad Karaash ayaa waxa la filayaa in wasarada laga badalo iyadoo and warar aan la xaqiijin sheegayaan in Wasaarada howlaha guud loo badali doono.

Xogtaan ayaa sidoo kale u sheegeysa GO in Wasiirka maaliyada laga yaabo in xilka laga qaado iyadoo Wararka xusayaan in kulan isaga iyo Madaxweynaha dhexmarey uu diidey hadii xilkaan waayo inuusan qaban doonin wasarad kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida Garowe Online fahansan yahay u sheegey Cabdulahi Shiikh inuu jecel yahay in Wasaarad kale u wareejiyo balse arinkaas waxaa diidey ku simaha Wasiirka maaliyada.

Xusulduubka loogu jiro kamid noqoshada golaha  Wasiirada cusub ayaa heerkii ugu sareeyey maraya iyadoo magalaada Garowe hotelada buuxaan.

Dadka raadinaya xilalkaan ayaa qaarkood waxaa ay ka yimadeen Wadanka dibadiisa halka kuwo jooga Puntland gudaheda ay xilalkaan doonayaan.

Barlamanka Puntland ayaa dhowaan xasaanada kala noqdey golaha wasiirada kadib markii khilaaf la xaliyey soo kala dhexgaley Madaxweynaha Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM