Xubin kamid ah Daacish oo isu soo dhiibay ciidamada Puntland

Image

BOSASO, Puntland- Saraakiisha ciidamada Puntland, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah xubnaha ururka Daacish ee ku sugan gobolka Bari, kaasoo la sheegay inuu kasoo jeedo gobolka Baay.

Xubintan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Siciid ayaa 04 bishan ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Jeceel ee gobolka Bari isu soo dhiibay, sida uu VOA u xaqiijiyay Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed Axmed Maxamuud Yuusf.

Taliyaha ayaa qiray in qofka ay gacanta ku hayaan uu ka tirsanyahay kooxaha nabad diidka ah islamarkaana aysan beenin karin ururka Daacish, isagoo xusay inay ku kaliftay is dhiibistiisu deegaanka oo uusan aqoon iyo nolosha oo ku adkaatay.

Axmed Maxamud, ayaa xusay inaysan ka hayn tafaasiil dheeraad ah, balse dib ay kasoo gudbin doonaan warbixintiisa.

Mar uu ka hadlayay xaaladiisa caafimaad, wuxuu taliyuhu sheegay inuu yahay shakhsi rafaad iyo diif ka muuqato, balse ay la tacaaleen islamarkaana ay siiyeen dawooyin, si wanaagsanna ula dhaqeen.

Taliyaha oo wax laga weydiiyay tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan hadii uu isa soo dhiibay ninkaas katirsanaa Daacish, wuxuu qiray inay u gudbin doonaan sharciga.

Tirada kooxda Daacish katirsan ee ku dhuumalaysanaysa gobolka ayuu sheegay inay ku qiyaaseen ilaa 70 askari, kuwaasoo uu tilmaamay inay isaga filanyihiin.

Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed ayaa xusay in kooxahan dhibaato ba’an ku hayaan dadka deegaanka iyagoo ka qaadanaya Raashinka, Xoolaha, halka ay u hanjabaan dhalinyarada iyo dumarka sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayn halka saadku usoo maro maadama ay buurahaas ku suganyihiin ciidamada Puntland, ayuu sheegay inaysan ogayn, islamarkaana bixin karin tafaasiil arrintaas ku saabsan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Daacish iyo xukuumadda Puntland oo ku aadan shakhsiga isu soo dhiibay ciidamada Puntland.

Tan iyo markii sannadkii hore mallayshiyaad hubaysan qabsadeen degmada Qandala, waxaa jira koox aan la ogayn rasmiyan goobta ay ku suganyihiin oo katirsan Daacish oo ku dhuumalaysanaya buuraha Galgala.

Ruux dhawaan qarax ka gaystay Bosaso, ayaa la sheegay inuu katirsanaa Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland oo hortagay baarlamaanka

Xildhibaannada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka iyo dimuqraadiyada.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:13AM