Xubnaha cusub golaha deegaanka Burtinle gobolka Nugal oo la shaaciyay [Akhriso]

Image

01 October, 2015(GO)-Waxaa maanta la shaaciyay liiska Xildhibaanada cusub golaha deegaanka degmada Burtinle ee gobolka Nugal oo muddooyinkii dambe xulistoodu socotay.

Gudiga loo xilsaaray ansixinta iyo khilaafka golaha deegaanka degmadaasi ayaa sheegay in xubnaha oo ka kooban 21 Xildhibaan la dhaarin doono Barri.

Labo xubnood oo ka dhiman golaha deegaanka Burtinle ayaa gudigu xusay in dib looga soo dari doono.

Doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa la tilmaamay in la qaban doono maalmaha soo socda oo laga yaabo in dhaarinta iyo doorashadaba la isku daro.

Degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaan weli loo samayn gole deegaan, maadama dhawaan Madaxweyne Gaas u soo magacaabay Gudoomiye cusub, mana jiro dhaq dhaqaaq ku aadan arrinta soo xulista Xildhibaanada golaha deegaanka oo laga dareemayo degmadaasi.

Dhawaan waxaa la dhisay golayaasha deegaanka ee degmooyinka Garowe, Qardho iyo Bosaso.

Hoos ka akhriso Magacyada Xildhibaanada Cusub:

1.    Maxamed Maxamuud Cabdi (Kadaf)
2.    Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Diihaal)
3.    Maxamed Maxamuud Axmed (Buurdibi)
4.    Xaawo Maxamed Cismaan (Gacmey
5.    Bashiir Yaasiin Cismaan
6.    Deeq Cabdi Maxamuud(Diin Alle)
7.    Cabdi Jaliil Siciid Xaashi(Tooreeye)
8.    Maxamuud Cabdi Warsame(Sheywaal)
9.    Yaasmiin Xuseen Maxamed
10.    Cabdi Maxamed Shirre
11.    Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Iligdheer)
12.    Cabdirisaaq Axmed Nuux
13.    Cali Geelle Maxamed
14.    Nuuradiin Cabdulqaadir Cabdi
15.    Liibaan Maxamed Cabdulle
16.    Calas Cabdi Salaan Xasan
17.    Maxamed Cabdicasiis Faarax(Gaade-keen)
18.    Ducaale Cumar Muuse
19.    Khadar Cabdirisaaq Axmed
20.    Xuseen Gulled Carab.
21.    Muxyadiin Cabdirixmaan Cabdi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM