Xubno ka tirsan golaha wasiirada PL oo socdaal shaqo ku jooga Mudug

Image

December 24, 2014 (GO)- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland ayaa socdaal shaqo maalmihii u dambeeyey ku marayey deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Wafdigan oo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi hogaaminayo waxaa sidoo kale qayb ka ah, wasiiru dawlaha kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka caafimaadka iyo agaasimaha hay'ada wadooyinka.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo maanta la hadlay Radio Garowe ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalka ay wefigaasi gobolka Mudug ku tageen.

Wuxuuna sheegay inay ujeedada koowaad ahayd sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda guud ee gobolka islamarkaana qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeen mashaariic horumarineed oo gobolka laga wado.

Deegaanada mas'uuliyiintaasi booqdeen waxaa kamid ah degmada Garacad halkaaso bulshadu ugu soo gudbisey cabasho xooggan oo la xiriirta maraakiibta jiriifka ee sida sharci darrada ah badaha Puntland uga kaluumeysta. 

Dowalda Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa horay u sheegtay inay la dagaalami doonto kalluumaysiga sharci darrada ah inakastoo aysan ilaa iyo hada jirin wax tallaabo ah oo dhankaas loo qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM