Xubno ka tirsanaa Daacish oo isku soo dhiibay ciidanka Puntland

Image
Labadan Maleeshiyo ayaa soo goostay iyadda oo wata hubka iyo dareeska Ciidanka Milatariga.

GAROWE, Puntland - Labo xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish/ISIS ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari.

Labadan Maleeshiyo oo watay hubkii ay wateen iyo dareeska Ciidanka Milatariga ayaa wareysi kooban oo ay bixiyeen waxa ay ku sheegeen in loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab sanadihii ay ka tirsanaayeen.

Inta uu wareysiga socday ayaa dagaalyahanadan oo aan magacyadooda la shaacin waxa ay carabka ku dhufteen in dhowr jeer ay isku dayeen in ay ka baxsadaan Daacish balse ay sugayaan waqtiga ku haboon ee ay isku soo dhiibi karaan ciidamada Puntland.

"Muddo saddex bilood ah ayaan waddada ku jirnay, waana ku faraxsanahay sida ay noo soo dhaweeyeen ciidamada Puntland oo aan u ballan-qaadnay inaan la shaqeyn doono," ayay yiraahdeen.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa sanadadii lasoo dhaafay ku dagaalamayay gacan ku heynta gobolka Bari, iyadoo dagaalo badan ay ka dhaceen buuraha Cal Miskaad.

Bishii April, Daacish ayaa sheegtay inay 50 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen dagaal ka dhacay Buuraleyda Al Miskaad, iyagoo sheegay inay Al-Shabaab ka qabsadeen dhul hor leh.

Daacish/ISIS, oo la og yahay in ay ka howlgasho buuraleyda Soomaaliya ee gobolka Bari, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM