Xubno ka tirsanaa Daacish oo isku soo dhiibay ciidanka Puntland

Image
Labadan Maleeshiyo ayaa soo goostay iyadda oo wata hubka iyo dareeska Ciidanka Milatariga.

GAROWE, Puntland - Labo xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish/ISIS ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka Puntland ee ku sugan deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari.

Labadan Maleeshiyo oo watay hubkii ay wateen iyo dareeska Ciidanka Milatariga ayaa wareysi kooban oo ay bixiyeen waxa ay ku sheegeen in loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab sanadihii ay ka tirsanaayeen.

Inta uu wareysiga socday ayaa dagaalyahanadan oo aan magacyadooda la shaacin waxa ay carabka ku dhufteen in dhowr jeer ay isku dayeen in ay ka baxsadaan Daacish balse ay sugayaan waqtiga ku haboon ee ay isku soo dhiibi karaan ciidamada Puntland.

"Muddo saddex bilood ah ayaan waddada ku jirnay, waana ku faraxsanahay sida ay noo soo dhaweeyeen ciidamada Puntland oo aan u ballan-qaadnay inaan la shaqeyn doono," ayay yiraahdeen.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa sanadadii lasoo dhaafay ku dagaalamayay gacan ku heynta gobolka Bari, iyadoo dagaalo badan ay ka dhaceen buuraha Cal Miskaad.

Bishii April, Daacish ayaa sheegtay inay 50 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen dagaal ka dhacay Buuraleyda Al Miskaad, iyagoo sheegay inay Al-Shabaab ka qabsadeen dhul hor leh.

Daacish/ISIS, oo la og yahay in ay ka howlgasho buuraleyda Soomaaliya ee gobolka Bari, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM