Xubno katirsan Jaamacadda EAU oo safar ku tagay Malaysia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Xubno ka tirsan Jaamacadda Bariga Afrika oo ka kooban Guddoomiye Kuxigeenka arimaha waxbarashada Prof. Cabdisalaam Salwe iyo Guddoomiye ku xigeenka Faraca Garowe Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Kualalumpur ee xarunta dalka Malaysia, kadib markii ay martiqaad ka heleen Jaamacadda Lincoln University College.

Jaamacadda Bariga Afrika- Soomaaliya ayaa kulan iskaashi la leh Jaamacadda Lincoln oo dhawaan ku guulaysatay in ay ka mid noqoto Jaamacadaha hantay shahaadada shanta xidigood (5 SETARA – EXCELLENT), shahaadadaas oo ay guddoonsiisey wasaaradda tacliinta sare ee Malaysia.

Labada Jaamacadood ayaa muddo kawada shaqaynayay barnaamijyada waxbarashada gaar ahaan heerka labaad ee Jaamacadda (Master degree), iyagoo hadda iska kaashanaya kulliyadaha kala ah;

• Masters degree of Business Administration in Islamic Banking and finance (heerka labaad ee waxbarasho Jaamacadda ee kulliyadda Bangiyada Islaamka)
• Masters degree of Public Administration (heerka labaad ee waxbarasho ee maamulka guud)
• Masters degree of Public Health in Nursing ( heerka labaad ee waxbarashada caafimaadka guud – gaar ahaan kalkaaliyanimada).

Kulanka wafdigan jaamacadda , ayaa horseeday dardargalinta xiriirka labada Jaamacadood , iyo inay si dhaw ugu kuurgalaan hawlaha waxbarasho ee Lincoln kawaddo Malaysia, waxaana u suurtagalay inay siku af –gartaan qodobada soo socda:

• Sii xoojinta xiriirka labada jaamacadood iyadoo la daahfurayo barnaamijyo horleh
• Dardargalinta cilmi-baarista, iyadoo laga doonayo ardayda Master-ka inay diyaariyaan cilmi-baarisyo ku salaysan xaaladda wadankooda.
• Ka qayb-qaadashada dhisidda awoodaha barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika sida cilmi-baarista , tababarada I.W.M.
• Xoojinta iyo ilaalinta tayada Barnaamijyada waxbarashada.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Bariga faraca Garowe, Cabdiraxmaan Ibraahim Diiriye, oo kawaramayay socdaalkaas ayaa yiri, “Safarka shaqo ee madaxda EAU ku tageen Malaysia , wuxuu hirgalinayey nidaamka isla xisaabtanka iyo hubinta tayada waxbarasho sidoo kale wuxuu dhiirigalinayey ardayda Masterka ah ay hadda dhigta Jaamacadda inay sii wataan waxbarashadoodii.”

Socdaalkan ayaa kusoo beegmay xilli Jaamacadda Bariga Africa ay bilowday in Ardaydu ay sii wataan waxbarashadooda heerka 2aad iyagoo jooga dalka, taasoo ay fududaysay Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia, waxaana taasi baajisay in arday badan u safraan waddanka dibadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM