​Xubno kusoo baxay doorasho ka dhacday Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta magaalada Garowe xarunta Puntland, dib uga bilaabatay doorashada Aqalka hoose oo ay ku tartamayaan murashaxiin u taagan  16 kursi oo ka harsan qoondada maamulkaasi uu ka helay Barlamanka Federaalka Somalia.

Doorashada oo iminka si toos ah uga socota Garowe, ayaa leh xiiso gooni ah, maadama ay is hayaan rag siyaasadda muddo kusoo jiray, kuwo ku cusub, dhalinyaro iyo haween qaybtood jagadan muddo raadin jiray.

Balse, rag loo saadilinayay inay ksuoo bixi doonaan Aqalka hoose, ayaa waayay kalsoonida Ergada, waxaana kamid ahaa; Axmed Guraase oo soo noqday wasiirkii waxbarashada dowladda Somalia iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

Doorashada oo saaka barqankii ka bilaabatay xarumaha Jaamacadaha PSU iyo Bariga Africa, ayaa waxaa lugu billaabay kursigii uu baneeyay  AUN Daahir Xaaji Geele, oo kamid ahaa raggi Garowe lagu doortay, balse ku geeriyooday caasumadda Garowe, waxaana booskaas helay Maxamed Xaaji Geele oo u codeeyeen 49 Ergay.

Waxaa xigay kursiga 23-aad oo ay ku loolameen murashaxiin kasocday beesha  Leelkasare-gaar ahaan Xirsi Muumin- waxaa ku guulaystay Daahir Maxamed Muuse oo helay 36cod , halka Maxamed Cabdillaahi Xasan uu helay 15 cod.

Kursigii 24-aad, oo ah kursiga Laylkase/Maxamed Xasan, waxaa ku guulaystay Abdirashid Gaboobe oo helay 27 cod halka Ciise Guraase oo la tartamayay uu helay 24 cod.

Kursigii 25aad, oo kursiga beesha Carab Saalax, waxaa ku guulaysatay Sacdiya Samatar oo heshay 49 cod, halka Faadumo Maxamed Salaad oo la tartantay heshay 1 cod.

Kursigii 26aad, oo ah kursiga Dhulbahante/ Yaxye Cabdalle, waxaa ku guulaystay Sharma’arke Garaad Saleebaan oo helay 50 cod, halka Aadan Cismaan Xaashi oo la tartamayey uu helay 1 cod.

Kursiga 27-aad,oo ah kursiga beesha Laylkase/Maxamed Muumin, waxaana kusoo baxay Saadiq Xirsi Warfaa oo ka guulaystay ninka lagu magacaabo Faarax Cabdirasaaq Cumar.

Guddiga doorashooyinka heer Puntland oo lahadlay Mareegta GO, ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii maanta ilaa galinka hore barri loo soo afmeeri lahaa doorashada xubnaha harsan, waxaana la filayaa in lasagootiyo maalmaha soo socda.

Dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaan xubnaha kale ee kusoo baxa doorashada Aqalka hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM