Xukuumada Puntland oo dib uga noqotey cashuur ay soo rogtey

Image

Jan 5, 2016 (GO)- Kadib saaka markii Bosaso ku waabiriisatey dukamada iyo dekada oo xiran kadib markii cashuur kadis ah xukuumada madaxweyne Gaaas ku soo rogtey qaar ka tirsan badeecadaha yimaaada Puntland.

Kulan ay isugu yimaadeen xarunta rugta ganacsiga tiro ka tirsan wasiirada xukuumada madaxweyne Gaas ee ku sugan Bosaso iyo ganacsatada ayaa waxaa kasoo baxey in cashuurta dib loogu noqdo.

Xogagaal ka tirsan ganacsatada Puntland oo la hadley Garowe Online ayaa sheegey in amarka lagu joojiyey cashuurta cusub uu baxshey madaxweyne Gaas kadib markii wasiirada kulakaan ku sugnaa wadatashi la sameeyeen.

Dib u noqosho-ada xukuumada ayaa wararka sheegayaan iney keentey kadib markii mudaharadka ganacsatada ku soo beegmey safar madaxweyne Gaas qorsheynayo inuu ku yimaado magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM