Qadar: Qaylo-dhaan ka dhalatay ardayad u geeriyootey haraad
DOOXA, Qadar - Minsa Maryam Jacob ayaa haraad dartiis u dhimatay sanad guuradeeda afaraad usbuucii hore, iyadoo saarneyd bas xiran oo aan cidna la socon meel u dhow dugsigeeda oo ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar.
Markii Minsa la helay iyadoo baska dul jiifta 11.30 subaxnimo, markii uu darawalku baabuurka kaxaystay si uu carruurtii dugsiga ugu soo celiyo guriga, heerkulku wuxuu ahaa qiyaastii 42C.
Jirka ardaygii dugsiga barbaarinta ee Springfield aad buu fuuqbaxay, sida uu Middle East Eye u sheegay qof ay saaxiibo dhow yihiin oo u yimid in uu ku maamuuso qolka meydka ee Isbitaalka Al Wakra habeenkii Talaadada. "Waxay ahayd mid aan la aqoonsan karin," ayuu raaciyay.
Saacadihii hore ee Arbacada, Meydka Minsa waxaa loo duuliyay Kerala, halkaas oo waalidkeed oo Hindi ah, Abhilash Chacko iyo Soumya, ay ka soo jeedaan. Chacko waa naqshadeeye ka tirsan guddiga qabanqaabada Koobka Adduunka ee Qatar.
Habeenimadii Talaadada, wasaaradda waxbarashada Qadar waxay go'aansatay in ay xiro xanaanadan gaarka loo leeyahay waxaana ay bilowdey baaritaan. Haddii ay ku cadaato "in ay geerida ku timid dayacaadda shaqaalaha" waxay la kulmi doonaan "ciqaabta ugu daran", ayay tiri wasaaraddu.
Wasiirka waxbarashada Buthaina Al-Nuaimi ayaa booqatay waalidiinta Isniintii, booliiskuna waxay xireen ugu yaraan saddex qof, sida ay ilo-wareedyadu u sheegeen MEE.
Dhimashada Minsa maaha tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ka dhacda Qatar, ama gobolka ballaaran ee Khaliijka.
Carruurtu had iyo jeer waxay ku seexdaan basaska dugsiga ee Qatar iyadoo darawaliintu ay illoobaan inay hubiyaan, inkastoo dhimashadu ay naadir ahayd. Sannadkii 2010, arday dhigta DPS-Modern Indian School ee Doha ayaa ku dhintay xaalado tan lamid ah.
Dhacdooyinkan soo laab-laabtey ayaa horseeday baaq cod dheer oo ah in dib-u-habeyn lagu sameeyo nidaamka basaska iskuuladda. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto wax talaabo ah oo ay qaadey dowladda Qadar.
GAROWE ONLINE