Qof dhagax ku tuuray ciidanka ATMIS oo rasaas loogu jawaabay
MUQDISHO, Soomaaliya - Qof shacab ah ayaa geeriyooday kadib markii sida la sheegay uu qofkaasi dhagax ku tuuray gaadiid ay leeyihiin ciidamada nabad illaalinta Afrika ee ATMIS kuwaas oo marayay aagga Ceelgaabta.
ATMIS ayaa sheegtay in askartooda ay ku jawaabeen rasaas nool-nool kadib markii, sida ay sheegeen, laga shakiyay waxa ay ahaayeen waxa uu tuuray qofkani muwaadhinka ah.
Hoggaanka ATMIS ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan sida wax u dhaceen, balse ay aaminsanyihiin in sababta ahayd kala shaki iyo wax si degdeg ah oon ku talogal ahayn u dhacay.
"ATMIS ayaa tan iyo marka [uu dilka] dhacay baaritaan madaxbanaan ku billowday falka, waxaana ku baaqaynaa deganaan maadaama ay baaritaanadu socdaan," ayaa lagu yiri qoraalka.
Bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Natiijooyinka kasoo baxa waxaa lala wadaagi doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya".
Ciidamadan ayaa dilay dad aad u badan sababo kala duwan. Waa dhif iyo naadir ah in la ciqaabo askarta dadka shacabka ah ku dila gudaha Soomaaliya. Sidoo kale, waa naadir in ay magdhow ka bixiyaan.
Dhacdooyinka dilalka shacabka ah oo sanadihii lasoo dhaafay soo taagnaa ayaa dhowaan taliska ATMIS waxa uu muujiyey in ay ka xun yihiin ayna sameynayaan talaabooyin ay arrintaas uga gaashaamayaan in aysan mar kale dhicin.
GAROWE ONLINE