Qoys lagu dhex-afduubtey Mareykanka oo geeri lagu helay

Image
Afartan xubnood ayaa waxaa ku jirta gabar 8-bilood jir ah oo lala qafaashay hooyadeed, aabaheed iyo nin adeer u ahaa.

WASHINGTON, US - Afar xubnood oo ka tirsan qoys reer California ah, oo ay ku jirto gabadh 8 bilood jir ah, ayaa meydkooda laga helay meel miyi ah Arbacadii ka dib markii laga afduubay magaalada Merced Isniintii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dhibanayaasha ayaa lagu kala sheegay ilmo yar, Aroohi Dheri, oo lala afduubtay hooyadeed, Jasleen Kaur, 27-jir, aabaheed, Jasdeep Singh, 36-jir, iyo adeerka ilmaha, Amadeep Singh, 39-jir.

Booliska ayaa sheegay in afartan qof laga afduubtay subaxnimadii isniinta shirkadda qoyska qoyska ee Merced, oo qiyaastii 240 kiiloomitir (149 mayl) bari ka xigta magaalada San Jose.

Maamulka degmada Merced ayaa sheegay in Jesus Manuel Salgado, oo 48 jir ah, uu ahaa tuhmanaha dhimashada qoyska, uuna ku jiro xabsiga.

Saraakiisha ayaa isku dayay inay la hadlaan Salgado, oo isbitaal la dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu is dilo ka hor inta aan xabsiga la dhigin, si loo ogaado in qof kale uu ku lug lahaa.

Illaa haatan lama ogga ujeedada uu Salgado u qafaashay qoyskan. Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ay ugu kuur-galayaam qadiyaddan.

Kiisaska afduubka ayaa naadir ka ah Mareykanka. Dhacdadan ayaa walwal ku abuurtey dadka degaanka iyo mas'uuliyiinta waxaana ay ku qasabtey madaxda in ay qaadaan talaabooyin ay ku sugayaan ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM