Ra'iisul Wasaarihii hore UK oo noqonaya macalin jaamacad
LONDON, United Kingdom - David Cameron, ra'iisul wasaarihii hore ee Britain, ayaa jaamacad ku taal Abu Dhabi waxa uu bisha Janaayo ka bilaabi doonaa in uu bixiyo casharo ku saabsan siyaasadda.
Sida laga soo xigtey Financial Times, Cameron ayaa la shaqeyn doona Jaamacadda New York ee Abu Dhabi ee Isu tagga Imaaraadka Carabta (UAE), wuxuuna ardayda bari doonaa "ku-dhaqanka siyaasadda iyo dowladnimadda" muddo saddex toddobaad gudahood ah.
Koorsadaas oo sidoo kale la filayo inay taabato dagaalka Ukraine iyo socdaalka Yurub. Cameron waxa uu ahaa ra'iisul wasaaraha UK intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2016.
Cameron ayaa sidoo kale waxa uu dusha kala socday aftidii Britain ay uga baxday Midowga Yurub, taasoo si xun u diiday siyaasiga taageersan Midowga Yurub.
Ugu dambeyn, dadweynaha Ingiriiska ayaa u coddeeyay in ay ka baxaan Midowga Afrika waxaana arrintaas ay galaafatay madaxtinimadda Cameron iyo kooxdiisa siyaasadeed.
Sidoo kale, natiijadaas ayaa waxay kor u qaaday siyaasadda Ingiriiska, taasoo keentay kacdoon dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo waddanku wali la tacaalayo.
Ma cadda in Brexit uu qayb ka noqon doono koorsadiisa waxbariddiisa. Sannadkii 2018-kii, mas’uuliyiinta Imaaraadku waxay xireen aqoonyahan British ah Matthew Hedges waxayna ku hayaan xabsi lix bilood ah.
Hedges ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu eedeeyay basaasnimo kadibna waa la cafiyay kadib cadaadis uga yimid dowlada Ingiriiska. Xiriirka London iyo Dubai ayaa aad ah mid u xooggan.
GAROWE ONLINE