Rasaas loona waday "marinka hubka Al-Shabaab" oo la qabtey
DOOXA, Qadar - Ciidamadda badda ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii sheegay inay qabteen hal milyan oo rasaas ah oo ay weheliyaan fiyuusyada gantaalladda iyo waxyaabaha kale ee lagu farsameeyo qaraxyadda.
Sidda laga soo xigtey taliska, sahaydan ciidana yaa lagu soo tahriibinayey markab kalluumaysi oo ka yimid dhanka Iran una socday dalka Yemen ee ay dagaalladu aafeeyeen.
"Shixnaddan la qabtey ayaa ku jirta hubin iyo gacan amaman ah," ayuu yiri taliska guutadda Shanaad ee ciidamadda badda Maraykanka ee fadhigeedu yahay Baxrayn.
Bayaanka ayaa lagu xusay in ay tahay markii labaad oo "hub sharci darro ah" ay ciidamaddu qabtaan bishan gudaheeda. Yemen ayaa kamid ah meelaha hubka loosoo marsiiyo Soomaaliya.
Markabka kalluumaysiga ee la qabtay Khamiistii waxa uu sitay ku dhawaad 7,000 oo fiyuusyada gantaallada ah iyo "in ka badan 2,100 kiiloogaraam oo hawo-mareen ah oo loo adeegsaday in lagu tuuro baasuukayaal," ayaa lagu yiri bayaanka.
Lama ogga haddii qeyb kamid ah hubkan loosoo waday Soomaaliya gaar ahaan maleyshiyaadka Al-Shabaab ah kuwaasoo Yemen ay kamid tahay marinada ay hubka sharci darada kala soo dagaan.
Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa qabsaday caasimadda Yemen ee Sanca sannadkii 2014-kii, taasoo keentay in xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay soo farageliyaan dagaalka sannadka xiga.
Xabbad joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo hirgashay bishii Abriil ayaa keentay hoos u dhaca dagaalka. Xabbad-joojintu waxay dhacday Oktoobar, inkasta oo dagaalku weli hakad ku jiro.
Bishii la soo dhaafay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa burburiyey doon sidday "walxaha qarxa" kana timid Iran si ay u siiso Xuutiyiinta, iyadoo leh awood ku filan oo ay ku shidi karto toban gantaal oo ballistic ah.
GAROWE ONLINE