Recep Erdogan oo mar kale soo hadal-qaadey Soomaaliya
ANKARA, Turkey - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in isaga iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ay isla garteen muhiimadda gaarsiinta hadhuudhka iyo bacrimintiisa dalalka soo koraya, waxayna arrintan ku soo qaadi doonaan shirka soo socda ee G-20 ee ka dhacaya Indonesia ee Bali.
“Intii aanu ku jirnay wadahadal telefoonka ah, Putin waxa uu igu yidhi, ‘Aan bilaash ugu dirno hadhuudhka waddammada soo koraya.’ Taas, waxaanu ku wada soconnay isku bog. gaarsiinta hadhuudhka gudaha Ukraine ee la gaarsiinayo wadamada soo koraya waa in ay noqotaa mudnaan," ayuu hoosta ka xariiqay.
Dhanka kale, Erdogan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale wuxuu tibaaxay in qaar ka mid ah dunida Islaamka ay sidoo kale "dhego la’yihiin oohinta kuwa la dulmay iyo kuwa la dhibay".
"Waxaan hubin doonnaa in hadhuudhka la gaarsiiyo waddan kasta oo u baahan, oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya, Jabuuti, iyo Suudaan, kuwaas oo la daalaa dhacaya cunto yari iyo macaluul daran," ayuu tibaaxay.
Erdogan ayaa sidoo kale wuxuu dhaleeceeyay aragtida shaqsiyaad uusan magacaabin qabaan oo ah in loo arko Yurub inay tahay "beero" iyo adduunka intiisa kale "duurjoog".
"Ma fileyno kuwa gumeysiga ku fulinaya habab cusub iyo nidaamyo cusub iyaga oo ka faa'iideysanaya dhibaatooyinka," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha Turkiga.
Waa markii labaad oo todobaad gudahiisa uuu Erdogan fagaareyaasha caalamiga ah kusoo hadal-qaado Soomaaliya. Dhowaan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad cuni-yari isaga wuxuuna caddeeyay in Ankara ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii ay Muqdisho wax ugala qaban lahayd dhibaatadaas.
GAROWE ONLINE