Recep Erdogan: Xaaladda Soomaaliya haba yaraatee ma fiicna
ANKARA, Turkey - Heshiiska hadhuudhka ah Ruushka iyo Ukraine ay Turkigu isku-dabariday ayaa mudnaanta siin doona dalalka Afrikaanka ah, sidda uu Arbacadii sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay in uu kula heshiiyeen dhigiisa Ruushka Vladimir Putin in heshiiskaas uu sii socdo iyadda oo la eegayo xaaladda cunto yari ee ka jirta wadamo uu tusaale ahaan u soo qaatay Soomaaliya.
"Xaaladda Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan haba yaraatee ma fiicna, haddii ay dhibaato ka dhacdo dalal kale oo aan horumarsaneyn, waxaan u dhoofin doonnaa shixnadaha dalalkan," ayuu yiri Erdogan.
Labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Yukreeniyaan ayaa si "wanaagsan" ula soo xiriiray Turkiga arrinta dhoofinta badarka, sida uu xusay Erdogan isagoo raaciyay: "Waxaan uga jawaabeynaa si wanaagsan."
Hadalkan Erdogan ayuu ku sheegay Arbacadii wareysi toos ah oo uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ee lagu kala magacaabo ATV. A Haber, A News iyo A Para.
Bishii Luulyo 22-keedii, Turkiga, Qaramada Midoobay, Ruushka, iyo Ukrain waxay ku saxiixeen Istanbul heshiis dib loogu soo celinayo Dhoofinta hadhuudhka kaas oo la joojiyay ka dib markii uu bilaabmay dagaalka Ruushka iyo Ukraine bishii Febraayo.
Sabtidii, Ruushku ayaa wuxuu ku dhawaaqay inuu joojinayo ka qayb galka heshiiska sababo ku aadan weerarkii Ukraine ku qaaday maraakiibtiisa badda madow ee ku sugan dekedda Sevastopol.
Xiisadda waxaa dajiyey markii horraantii Arbacadii ay Turkiga iyo Ruushka shaaciyeen in Moscow ay ku soo laabanayso fulinta heshiiska hadhuudhka ka dib markii ay soo baxeen dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Ankara.
GAROWE ONLINE