Sacuudiga: Dambi-baare qariyey dilkii Khashoggi oo loo dhiibay xil sare
RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa u magacawday dambi baadhe lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qarinta dilka Jamal Khashoggi in uu madax ka noqdo maxkamadda sare ee argagixisada ee dalkaas, sida ay sheegtay koox caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha Khamiistii, iyadoo soo xiganaysa dukumentiga dowladda Sacuudiga.
Wareegtadan oo markii hore soo baxday 9-kii Juun ayna heshay Dimuqraadiyadda Carabta Adduunka Now (Dawn), ayaa loo magacaabay Awadh bin Ali bin Ayedh al-Mayshar al-Ahmari inuu noqdo madaxweynaha Maxkamadda Dambiyada ee Khaaska ah.
Isku soo wada duuboo, wareegtada ayaa lagu magacaabay ugu yaraan toban dambi baadheyaal iyo dacwad oogayaal ah inay ka noqdaan garsoorayaal ka tirsan maxkamadda, tallaabadaas oo Dawn uu sheegay inay tahay mid aan hore uga dhicin boqortooyada.
Sida laga soo xigtay kooxda xuquuqul insaanka, Ahmari wuxuu ku lug lahaa qarinta dilka Khashoggi, oo u dhashay Mareykanka, waxna ku qori jiray wargeyska The Washington Post iyo Middle East Eye.
Wuxuu sanadkii 2018 la safray xeer ilaaliyaha guud ee Sacuudiga Saud al-Mojeb qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul, halkaasoo lagu dilay Khashoggi, si uu arrintan u baadho.
Warbixin 2019 uu soo saaray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dilalka sharci darada ah ayaa lagu sheegay in wafdiga Sacuudiga ee goobta gaaray ay gacan ka geysteen nadiifinta cadeymaha dilka iyo in mas'uuliyiinta Turkiga ay ka hor istaageen inay galaan goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay.
GAROWE ONLINE