Sacuudiga oo beeniyay in dhaxal-sugaha uu "xantay" Joe Biden
RIYADH, Saudi Arabia - Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa beeniyay in dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu xantey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Al Saud ayaa sidoo kale wuxuu qashinka ku daray in Bin Salmaan uu u sheegay gacanyarayaashiisa inuusan la dhacsaneyn oo uu u xaglinayo hoggaamiyihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
"Eedayntan ay sameeyeen ilo aan la garanayn waa kuwo been abuur ah," ayuu yidhi Amiir Faysal waraysi uu siiyay The Wall Street Journal oo la daabacay Isniintii.
Wuxuu raaciyey: "Hogaamiyeyaasha Boqortooyada ayaa had iyo jeer ixtiraam weyn u haya madaxweynayaasha Mareykanka, taas oo ku saleysan aaminsanaanta boqortooyada ee muhiimadda ay leedahay xiriir ku saleysan ixtiraam labada dhinac ah".
Difaaca wasiirka arrimaha dibadda ee dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MBS, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Sucuudiga iyo Maraykanku uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeyay labada dhinac.
Tani ayaa timid ka dib markii ururka OPEC+ ee Sucuudigu hoggaamiyo uu ku dhawaaqay in la dhimay wax soo saarka saliidda oo aad u badan horraantii bishan si kor loogu qaado qiimaha saliidda inkasta oo Maraykanku cadaadis saaray.
11-kii Oktoobar, Biden wuxuu uga digay Sacuudi Carabiya, oo ah dhoofiyaha saliidda ugu weyn adduunka, in ay jiri doonto "cawaaqibta" ka dib dhimista wax soo saarka ee yimid iyada oo dunidu ay la halgameyso sidii ay ula qabsan lahayd qiimaha tamarta sare sababtoo ah dagaalka Ukraine.
Go'aanka OPEC +, oo ay ku jiraan Ruushka, ayaa wiiqaya qorshayaasha wadamada reer galbeedka si ay ugu soo rogaan qiimaha saliidda Ruushka si looga jawaabo dagaalka Moscow ee Ukraine oo laga cabsi qabo in uu sababo sicir-barar.
GAROWE ONLINE