Saddex nin oo xabsi daa'in loogu xukumay diyaarad ay soo rideen

Image
Laba kamid ah xukumaneyaasha ayaa u dhashay Ruushka, halka kan kale uu kasoo jeedo Ukraine.

ANKARA, Turkey - Saddex nin ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay in ay soo rideen diyaaradii Malaysia ee MH17 ee ku dhacdey bariga Ukraine sannadkii 2014-kii, halka mid ka mid ahna la sii daayay, sidda ay ku warantey wakaaladda wararka Turkiga Anadolu.

Maxkamad ku taalla dalka Holland ayaa Sergei Dubinskiy iyo Igor Girkin oo u dhashay dalka Ruushka iyo sidoo kale Leonid Kharchenko oo u dhashay dalka Ukraine ku riday xukunkan Khamiistii shalay ahayd.

Xukumaneyaasha ayaa lagu helay dambi ah inay sababeen shilkan ay ku dhinteen 298 qof oo rayid ah. Mid kale oo Ruush ah, Oleg Pulatov, ayaa lagu waayey dhammaan eedeymaha.

Maxkamaddu waxay ugu yeertay eedeymaha la xaqiijiyay "kuwa aad u daran oo ay ku hayso in kaliya xukunka ugu sarreeya ee suurtagalka ah ee xabsiga ay ku habboon tahay."

Afarta nin ma joogin qolka maxkamada. Pulatov ayaa ahaa midka kaliya ee ay qareenada difaacaya ku matalayeen maxkamada.

Dubisnky, Girkin iyo Kharchenko ayaa sidoo kale lagu xukumay inay bixiyaan in ka badan 16 milyan oo Yuuro ($16.5 milyan) oo magdhow ah taasoo la siinayo ehelada dhibanayaasha.

Duulimaadka MH17 ee Malaysia Airlines oo ka soo duushay Amsterdam kuna socotay Kuala Lumpur ayaa lagu toogtay meel ka sarraysa bariga Ukraine 17-kii July, 2014. Dhammaan 298 ka mid ah rakaabkii diyaaradda ayaa la dilay, oo ay ku jiraan 196 qof oo u dhashay dalka Holland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM