Shacab ku dhintey iska-horimaad dhexmaray Soomaali iyo Oromo

Image
Warar ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo biyo-xireen uu dhisayo ismaamulka Oromada.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 12 kalena ay si xun u dhaawacmeen iska horimaadyo sohdinta ku dhexmaray maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda gobolka Oromada iyo dadka deegaanka ee ku nool dowlad degaanka Soomaalida ee deriska la ah.

Sida ay sheegeen dad degaanka ah oo ka soo jeeda dhinaca Soomaalida, iska horimaadku waxa uu bilowday Jimcihii 13-kii Janaayo markii shaqaale ay u xilsaartay xukuumadda Ismaamulka Oromiya ay bilaabeen dhismaha biyo-xireen laga dhisayo xuduudka degaanka Marar ee deegaanka, kaas oo dadka deegaanku ay sheegeen in uu ku yaallo gudaha degmada Tulu Guuleed ee deegaanka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhismahan oo ka socday meel aan sidaas uga fogayn magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa la kulmay diidmo kaga imaanayay dadka degaanka oo ku muransanaa maamulka dowlad deegaanka Oromiya oo kaligiis ah in biyo xireen laga sameeyo gudaha deegaanka Soomaalida.

Sarkaal sare oo arrintan ku dhow oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa Addis Standard u sheegay in mas’uuliyiinta Ismaamulka Oromada iyo Soomaalida isku-fahmeen in hakiyo dhismaha biyo-xireenka ayna socdaan doodo ku saabsan saameynta biyo xireenka uu ku yeelanayo bulshada deegaanka ee labada dhinac. Laakiin dhismaha biyo-xidheenka ayaa ku socday sababo aan caddayn.

Muhiaden Xaaji Abiib, oo ah oday ka tirsan bulshada Soomaalida ee ku dhaqan deegaanka Marar, ayaa Addis Standard u sheegay in "mashruuca [biyo-xireenka] uu yahay mid ay gobolka Oromiya u adeegsadaan inay isku fidiyaan degaanka Soomaalida".

Abiib ayaa sheegay in 3 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 12 kalena ay si xun ugu dhaawacmeen maleeshiyada Oromiya dhacdadii 13-kii January. Warbixino kale oo ay soo saareen dadka u ololeeya arrimaha Soomaalida ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaareyso 16.

Mashruuca biyo-xireenka laga dhisayo degaanka waxaa ku dhawaaqay dowlad deegaanka Oromiya lix bilood ka hor/ Muhiaden ayaa xusay: "Waxaan u sheegnay mas'uuliyiinta gobolka Soomaalida iyo dadka kale ee ay khuseyso in tallaabadan ay keeni karto walwal horleh iyo khilaaf u dhaxeeya dowlad goboleedyada".

Colaada labada daraf ayaa muddo taagan. Bishii December ee sannadkii hore, laba qof todoba kale way dhaawacmeen ayaa lagu dilay degmada Shilaabo oo ka tirsan deegaanka Qoraxe ee dowlad deegaanka Soomaalida kaddib muran ka dhashay qodista ceel biyoodka. Warbixino kale waxay tiradda geerida ay gaarsiiyaan illaa 5 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM