Shaqsi xabsi loogu taxaabay in uu ukun ku tuuray boqorka Ingiriiska
LONDON, UK - Nin 20 jir ah ayaa shalay loo xiray tuhun ah inuu geystay weerar caadi ah kadib markii la sheegay in ukun lagu soo tuuray King Charles III xilli uu socdey ku marayay qaybo kamid ah London.
Eedeysanahan ayaa lagu qabtey aagga Luton ee waqooyiga London. Falka lagu tuhunsanahan yahay ayaa laba bilood kahor wuxuu ka dhacay aagga York ee waqooyiga England halkaasoo uu booqasho ku joogay.
Charles, 74, wuxuu u tagay Luton si uu ula kulmo hogaamiyayaasha bulshada iyo ururada iskaa wax u qabso, iyo in uu furo macbad cusub si lamid ah in uu booqdo nidaamka gaadiidka dadweynaha ee cusub.
Booliska ismaamulka Bedfordshire ayaa shaaca ka dhigay in ninka la qabtay lagu xiray bannaanka Hoolka Magaalada Luton isla markaana uu wajahayo su'aallo waydiin.
Shaqsiga la sheegay in uu ukunta ku tuuray boqorka iyo xaaskiisa Camilla ayaa la wariyay in uu ku qaylinayey "dalkan wuxuu ku dhisnaa dhiigga addoommada" iyo "ma aha boqorkayga".
Charles wuxuu noqday boqor kadib dhimashadii hooyadiis, Queen Elizabeth II, bishii Sebtembar. Haweenayda ayaa lagu duugay ka dib aas qaran iyo 10 maalmood oo baroor diiq qaran ah.
Qasriga Buckingham Palace ee uu ku shaqeeyo boqorka ayaa todobaadkii hore lagu eedeeyay takoor ah kadib markii ay soo baxeen in shaqaale samafal oo madow ah laga eryay shaqadodooda maxkamada sarre.
GAROWE ONLINE